WARIYE JACFAR KUKAY: ARRIN LA YAAB LEH OO IGU QABSATAY

WARIYE JACFAR KUKAY: ARRIN LA YAAB LEH OO IGU QABSATAY


ADVERTISEMENTS
Wariye Jacfar Kukay ayaa Bogiisa Facebooka ah wuxuu soo dhigay qoraal aad u naxdin badan oo isaga qabsatay taas qofkii Somali ah ee akhriya yaab & amakaag ku ridaysa waana qaybo kamid ah qorshaha dheer ee lala maagan yahay umadda Somaliyeed halkan ka akhri qoraalka Wariyaha adiga ayaa yaabi.

WARIYE JACFAR KUKAY: ARRIN LA YAAB LEH OO IGU QABSATAY GAROONKA AADAN CADDE.

Waxaa ka dhacday Baasaboorka Itoobiyaanka ah sii daa Midka Soomaaliga ahna celi.

Kudhawaad 2bilood muddo hadda laga joogo ayaan damcay inaan safar gaaban ku tago Jabuuti, waxaa ila socday oo Garoonka Aadan Cadde iiga sii hormaray 2-dhallinyaro ah oo midkood uu wato Baasaboor Soomaali ah kan kale uu Itoobiyaan sito.

jacfar_kukaye

Midkii Soomaaliga watay ayaa iga soo dhex wacay garoonka oo buuq badan, Wuxuuna iisheegay in Laanta Socdaalku ay heysato oo loo diiday inuu u gudbo Albaabkii dhanka diyaaradda looga baxayay, Isla markiiba waxaan iska dhaadhaciyay in waxa la heystaa uu yahay Saaxiibkii Baasaboorka Itoobiyaan ah watay, sababta aan sidaas isugu qanciyayna waxa ay tahay, In Baasaboorka Itoobiyaanka ah uu qallalan yahay, micnaha Ma saarna:

1- DAL-KUGAL (VISA) uu Soomaaliya kusoo galay,
2- Looguma dhufan soo gelid (ENTRY)
3- Ma saarna DEGANAASHO (IQAAMO) uu Soomaaliya ku joogay.

Sidaas daraadeed waxaan aad uga sii wal-walay sidaan ku qancin doono Masuliyiinta Socdaalka Soomaaliya.
Laakiin waxaa layaab igu noqotay markii aan Airport-ka galay ayaan Arkay kii Basaboorka Soomaaiga ahaa watay oo bannaanka taagan kii Itoobiyaanka lahaana ay wax walba u dhamaadeen gudahana uu ku jiro waxaa u dhinnaa oo kaliya inuu albaabka ka baxo oo uu diyaaradda galo.

Soomaaligii ayaa igu yiri qofka la heystaa waa aniga, Anigoo yaabban ayaan u tagay mid kamid ah ragga ugu sarreeya Hey’adda Socdaalka oo xafiiskiisa la ii tilmaamay, Waan isku sheegnay waxaan nahay iyo Ujeeddada aan Jabuuti ugu soconno, dood kadib Body pass –kii aan sidannay ayuu dusha ka saxiixay oo nagu yiri ku gudba.



DOODDII na dhex martay ayaa sidan ayey u dhacday:

ANIGA: Mudane Baasaboorka Soomaaliga ah ma cillad buu leeyahay
MASUUL: Maya ee Soomaalidaa cillad leh oo meel walba isku qarxineysa.
ANIGA: Makula tahay inaad nagu dhiirri-gelineysaan inaan Baasaboorka Soomaaliga tuurno oo Itoobiyaan aan raadsano.
MASUUL: Sidaas maaha ee mushkiladdu waa Soomaalida.
ANIGA: Adignka ayaa bixiya Baasaboorka Soomaaliga ah adinka ayaana liidaya, yaa laga sugayaa in Baasaboorka uu dhulka ka qaado oo uu qiimeeyo.
MASUUL: Soomaalida.
ANIGA: Hadda ma waxaan ku sheekeeyaa garoonka Aadan Cadde in si fudud uu kaga gudbay Baasaboor Itoobiyaan ah oo aan laheyn deganaasho uu ku joogay dalka, Soomaaigiina silican uu maray.
MAUUL: Soomaali ayaa Jabuuti isku qarxisay sow ma ogid?, Baasaboorka adinkaa sharafta ka qaadaya.
Kan itoobiyaanka ah kamaanu jawaabin.




Aniga hadda kahor Jabuuti ayaan galay anigoon Immigration-ka marin, Amar ka yimid Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti ee xilligaa ayaan ku gudbay, Markii aan damcay inaan ka baxo waxaa la iga soo celiyay Garoonka diyaaradaha Jabuuti, sababtoo ah Baasaboorkeyga malaheyn Shaabaddii soo gelidda Deganaashana ma saarneyn.

Waxaan ku qasbanaaday in Wasiirkii aan ku laabto oo uu iisoo raaciyo warqad Masuulka Airport-ka ku socota, sidaa ayaanan ku gudbay, laakiin iyagoo sharciga dhowraya masuuliyiintii Garoonka Jabuuti waxey diideen in Baasaboor Cad ay Exit ama Bixid ku dhiftaan, Shaabaddii bixidda waxey ku dhufteen Tikidkii aan sitay, Yemen oo aan ku socday markaan tagayna waxoogaa mushkilad kale ayaan kala kulmay oo ka dhalatay Baasaboorka oo aanu Exit ka muuqan.

?#?SOW_KAAF_IYO_KALADHEERI_MAAHA?

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WARIYE JACFAR KUKAY: ARRIN LA YAAB LEH OO IGU QABSATAY
Posted by:galmada Net
Published :2017-09-05T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WARIYE JACFAR KUKAY: ARRIN LA YAAB LEH OO IGU QABSATAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments