Muhiim maaha inaad iska noolaatid, laakiin waxaa muhiim ah inaad ku noolaatid nolol faa'iido leh

Muhiim maaha inaad iska noolaatid, laakiin waxaa muhiim ah inaad ku noolaatid nolol faa'iido leh


ADVERTISEMENTS
Marka hore aan salaamo guud ahaan bulsho weynta somaaliland iyo saxaafadda soomaaliland mid madaxbannaan iyo mid dawladeedba. mar labaad aan salaamo intii magacayga iyo muuqayga taqaan. waxaan idiin soo dirayaa salaan gacaltooyo oo ay ku lamaan tahay gobonnimo guurtiyeed.

Salaan ka bacdi waxa aan damcay inaan wax ka idhaahdo nolosha iyo faa’iidooyinkeeda aynaan iskuba deyeyn inaan ka faa,iidaysano.waan hubaa in qaar badan is odhanayaan ma nolol bilaa faa,iido ah ayaa aduunka ka jirta.waan hubaa in qaar kale aaminsan yihiin in maanta ay aduunka ka jirto nolol aan laga faa,iidaysanayn,gaar ahaan bulshada Somaliland.miyaad igu diidan tahay hadaan idhaahdo waxa dhulkeena Somaliland ka jirta nolol aan laga faa,iidaysan.laga yaabaa inaad igu taageertaan oo aad aragteena waxyaabahaas aan sheegaayo,waanna laga yaabaa inaad igu diidaan taas oo aad tidhaahdaan arinkaas kulama qabno anagu!!!.

Bal aan usoo noqdo u jeedkayga,marka hore aan is weydiino waa maxay noloshan aan laga faa,iidaysan?.ma nolol kale ayaa jirta oo aan ahayn tan aynnu ku nool nahay?.jawaabtu waa maya,hadaa nolosha side looga faa,iidaystaa?.ayaa mudan inaan is weydiino.taan intaynaan ka jawaabin.malaha waxa ka sii mudan inaynu is weydiino maxaynu u nool nahay?.haa waa su,aashii ugu haboonaynd ee aynnu is weydiino.taas marka aynnu ka jawaabno ayaa waxa aynnu ogaanaynaa nolosheenii inaynu ka faa,iidaysanay iyo inaynaan ka faa,iidaysan.



Haa umada dhamaanteed allaah ayaa abuuray kor ahaayee.alaah Muxuu inoo abuuray?.haa waa su,aal aad u fiican,allaah waxa uu inoo abuuray inaynu isaga caabudno.waxaana taas daliil u ah in alle aayaadkiisa inoogu sheegay oo uu ina yidhi ( wamaa khaltul jinni wal insi ilaa la yac buduun).jinka iyo insigaba waxaan u abuurnay inay anniga I caabudaan ayaa allaah inoo sheegay.haa waxaan filayaa hada inaad si fiican u ogaatay waxa laguu abuuray.waxaanan filayaa inaad durba is xisaabisay oo aad qalin iyo warqad qaadatay si aad u ogaatid inaad waajibkaas ku guud sudhan aad gudatay iyo in kale.hadaba noloshu ma intaas oo keliya ayaa la inooga baahan yahay?,jawaabtu waa maya.sabab?. alaah markii uu ina abuuray waxa kale oo uu inoo qoray wixii aynnu ku noolaan laheyn.waxa uuna dhulka inooga soo saaray midho iyo cunto aynnu quudano si aynnu ugu noolaano.

Haa gartay waa si fiican allaah waxkasta wuu inoo dhamaystiray.hadaba waxan aynnu rabo inaynu quudano ma inaga oo guryaheena iska dhex joogna ayey sidii daadka inoo imanayaan?. Jawaabtu waa maya.oo hadaa Maxaa inala gudboon?.haa waxaa inala gudboon inaynu cagaheena ku raadsano si aynnu usoo kasbano.halkaas marka xaalku inala marayo waxaa si talan taali ah maskaxdeena ugu soo dhacaysa maahmaahdii somaaliyeed ee ahayd ( xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan).oo tolow maahmaahdan micnaheedu Muxuu noqonayaa? tolo waxan loo jeedaa ma xoolo nool baa?.maya ee micnaha looga jeedaa waxa uu noqonayaa wax aanad adigu soo kasban inaanay si sahal ah kuugu imanayn.haa iminka ayaan si fiican u fahmay,laakiin si aynnu wax u soo kasbano ama u soo helo ma waxa aynnu isticmaalaynaa xoog?.maya..oo hadaa side ku heli karaa?.waxa aad ku heli kartaa si fudud oo ah inaad muruqaaga iyo maankaaga maashid.oo muruqa iyo maanka miyaa la maalaa?sideese loo maalaa?.haa muruqa iyo maanka labadaba waa lamaalaa.laakiin sida loo maalo wey ka duwan tahay sida xoolaha loo maalo.maanka ama maskaxda marka aad maalaysid micnaheedu waa inaad kaga shaqaysiisid oo aad ku fekertid,oo aad ogaatid waxa aad u baahan tahay iyo sida aad u heli kartid shaygaas aad u baahan tahay.muruqa ama xooggana marka aad maalaysid micnihiisu waxa weeye wixii maskaxdaadu kuu sheegtay inaad qabatid si toos ah.haa waan fahmay.laakiin side ku ogaan karaa inaan maskaxdayda iyo muruqayga u baahanay?.waxa aad ku ogaan kartaa waa in baahi ku hayso.marka baahi naftaada shidayso waxa aad ku qasban tahay inaad waxkasta samaysid xitaa haddii aaanay suurto gal ahayn.

Oo ma baahi ayaa I haysa? . saw aniga hargeysa iyo burco ku nool ee hooyaday iyo aabahay la nool?.haa baahi ayaa ku haysa oo weliba baahi nololeed ayaa ku haysa.oo siday ii haysaa saddexda wakhti wax aan cuno iyo wax aan cabo waan haystaaye.haa ma xuma inaad haysatid wax aad cunto iyo wax aad cabtid,laakiin aan su,aal ku weydiiyee waxan aad cuntid iyo waxa aad cabtid xageed ka keentay?.dee aabahay iyo hooyaday ayaa ii keena.oo aabahaa iyo hooyadaa xagay ka keeneen?.dee waxa ay ka soo iibsadeen shirkadaha waa weyn ee dalkeena.shirkadahaasi waa kuwee?.dee waa indha deero,ibraahim dheere,dahabshiil iyo qaar kale oo badan .oo shirkadahaas aad ii tirisay xagay wax ka keenaan?.dee waxa ay ka keenaan wadamo badan oo aduunka ka mid ah.waa kuwee wadamadaasi? Dee iminka waxaan ka xusi karaa hindiya,barasiil,turkiga iyo kuwo kale oo la mid ah.haa waa si fiican oo waxa kale oo aan ku weydiiyey wadamadan aad ii sheegtay iyaga laftoodu xagay waxan oo dhan ka keeneen?

Dee wey beerteen!!!.beerteenaa?. haa wey beerteen!!!.haa…. haaa.haaaa. oo adigu xagaad ku nooshahay?.waxa aan ku noolahey Somaliland.haa oo dhul la beerto miyaanu ku oolin maxaad u beeran weyday?,dee miyaan beeran karayaa!!!.oo maxaad u beeran kari weyday?.dee wakhti aan ku beero ma hayo!!!.haa oo miyaad shaqaysaa?.dee mayee ma shaqeeyo,ma shaqo ayaa dalka taala.oo hadaa maxaad qabataa?.dee marna waxaan ka sheekeeyaa maqaayadaha marna waan qayilaa!!!.oo lacagta aad ku qayishid xageed ka keentaa?.dee waan soo shaxaadaa!!!.haa oo sidaasi miyey kuu fiican tahay inaad ku noolaatid?.maya..maya..oo hadaa Maxaa xal ah?.dee iminka waxaan doonayaa inaan dalkaba iskaga tahriibo oo aan yurub iyo maraykan iskaga raaxaysto.haa yurub iyo maraykan!!!.oo xagay ku yaalaan?.dee waa meesha maanta loo tahriibo.haa tahriib!!.oo waa maxay sababta loogu tahriibo meeshaas aad ii sheegtay?.dee waa meel laga shaqaysto oo leh meelo qurxoon oo lagu nasto marka aad daalan tahay?.shaqo leh!!!.qurxoon oo lagu nasto!!!!.waa yaab kale oo shaqooyinka yaa u sameeyey?.dee iyaga ayaa samaystay!!.oo meelahan qurxoon yaa u sameeyey?.dee iyaga ayaa samaystay!!,oo meeshaas qurxoon miyaad leedahay? Dee mayee ma lihi.oo yaa leh haddaa? Dee dadka u dhashay ayaa leh!!!.oo hadaa Maxaad ka doonin hadaanad lahayn?.dee ma garanaayo.magaranaysid?.haa ma garanayo!!!.

Haa oo inta ay shaqooyinka abuuranayeen adigu xagaad joogtay?dee Somaliland ayaan bilaa camal la joogay!!.oo iyaga miyaad ogtahay sida ay waxan u samaysteen?.dee muruqooda iyo maskaxdooda ayey maaleen!!.oo adigu maxaad u maali weyday?.oo miyaan maali karayaa!!. Oo Maxaad u maali kari weyday?.dee ma wakhti ayaan hayaa!!.oo hadaa maxaad qabataa?.dee sawnigan kolna murqaansan kolna hurda,kolna maqaayadaha ka sheekaynaaya!!!.oo hadaa sidaad doonaysaa inaad u noolaato?.dee miyaanba doonayaa inaan ku noolaado.oo hadaa xagaad doonaysaa inaad ku noolaatid?.dee aduunyadaas kale!!.oo aduunyadaas miyaad leedahay?dee mayee somalilandtan gebigeedaba waan nacay.oo maxaad ku nacday? dee maaha meel qurux badan oo wanaagsan.oo maxaad u qurxin weyday adigu?.oo miyaan qurxin karayaa.sabab?dee wakhti ma hayo aan ku qurxiyo!!!.

Waxaan isleeyahay inaad fahamteen qoraalka intiisa badan,haa waa xaqiiqooyinka dhabta ah ee maanta dalka yaala ama diid ama doon.ruux kasta Waayeel,dhalinyaro,aqoon yahayn iyo haween dhamaantood fikiradahaas ayey aaminsan yihiin marka laga reebo shakhsiyaad kooban. Halkaas waxa aad ka dareemaysaa inaynaan u noolayn sidii loogu tala galay nolosha dhabta ah.laga yaabaa dadkeena boqolkiiba sagaashan inay cibaadaystaan oo allaah waajibkuu ina saaray ay gutaan, waanna wax alle loogu mahad naqo,laakiin maaha haddii aynnu cibaadaysano in noloshu intaas oo qudha tahay,laakiin waa inaad ogaataa in noloshu tacab iyo tamar badan inooga baahan tahay.maaha inaad ka fekertid noloshaada oo keli ah,laakiin waa inaad ka fekertid mustaqbalka u badkaaga ugu yaraan,maaha inaad ka fekertid inaad quruxda wadamada aduunka daawatid,laakiin waxa muhiim ah inaad ka fekertid qurxinta iyo wanaajinta dalkaaga Hooyo.maaha inaad weligaa sugtid cuntooyinka aduun ka lagaaga soo waarido,laakiin waxa muhiim ah inaad maskaxdaa iyo muruqaaga kaashatid si aad dhulkaaga iyo baddaaba wax ugala soo baxdid.allaah wuxuu ina siiyey nimcooyin dhameystiran,waxa aynnu leenahay bad aynnu kala soo bixi karno kaluunka iyo milixda,waxa kale oo uu alle ina siiyey dhul baaxad leh oo aynnu kala soo bixi karno cunto iyo macdan.waxa kale oo alle ina siiyey xoolo noockasta leh!!.

Maxaa hadaa inaga hortaagan inaynu dedaalkasta samayno si aynnu uga faa,iidaysano qaniimadaas alle dhulkeena inagu siiyey?.mooji ma garanaayo sababta,laakiin ugu yaraan waxaan odhan karaa waa karti la,aan iyo daciifnimo ina haysata.waa qorsho la,aan iyo hammi yaraan inagu habsatay,waa wadaniyad la,aan iyo dadnimo xumaan ina haysata.

Maanta waxa laynagu tiriyaa dadyowga aduunka ugu saboolsan!!.aduunkana kama jirto wadan haysta inta aynnu haysano oo fakhri haysto.waxaa inoo diiday inaynu samayno wadadii iyo qorshihii aynnu kaga bixi laheyn fakhrigaas dhulka ina dhigay?.maxaa inoo diiday inaynu horumarino oo dhaqaale badan lagu bixiyo wasaaradaha ay khusayso sida wasaarada beeraha,wasaarada kaluumaysiga iyo wasaarada xanaanada xoolaha?.ma garanayo sababta!!. Bal adiga oo shaqsi ah ma is weydiisay sidii aynnu dhibkaas uga bixi laheyn?,ma garanayo jawaabta!!!.miyaad doonaysaa inaad noloshaada sidaas ku dhamaysatid aad tahay maanta?. Maya ma jiro qof inaga mid ah oo sidaas jecel!!. Hadaa Maxaa inoo diiday inaynu muruqeena iyo maankeena midayno oo fakhriga iyo gaajada meel uga soo wada jeedsano?.ma garanaayo sababta..

Waxaan kusoo gaabinayaa maqaalkayga.dalka inagaa iska leh,duunyadana inagaa iska leh dadkuna waa inaga,dedaal iyo karti ayeynu waxkasta ku gaadhi karnaa.qorshe ayeynu u baahanahay aynnu ku talaabsano si aan hamigeena iyo himiladeena uga midho dhalino.

Nabad gelyo.

Alle wanaaga iyo amniga haynoo barakeeyo

Alle haynaga yeelo kuwo dhulkooda dheefsada

Alle haynaga yeelo kuwo muruqooda iyo maankoodaba mideeya,

w/q: sharmarke cabdi ibraahim ( dhuux).

Email: sharmarke09@outlook.com

Addis ababa, Ethiopia


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Muhiim maaha inaad iska noolaatid, laakiin waxaa muhiim ah inaad ku noolaatid nolol faa'iido leh
Posted by:galmada Net
Published :2017-09-05T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muhiim maaha inaad iska noolaatid, laakiin waxaa muhiim ah inaad ku noolaatid nolol faa'iido leh



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments