SU’AAL IYO JAWAAB (NIKAAXA AAN WELIGA LA OGAYSIINNIN):

SU’AAL IYO JAWAAB (NIKAAXA AAN WELIGA LA OGAYSIINNIN):


ADVERTISEMENTS
SU’AAL IYO JAWAAB (NIKAAXA AAN WELIGA LA OGAYSIINNIN):
Walaalkeen Xasan Cabdidaad Faarax Dool, ayaa wuxuu nasoo waydiiyey su’aashan :
<<asc Al-hudaa wllyaal adinkoo raalli ah, su.aal ayaan rabaa in la iga jaahil bixiyo taas oo ah shay aad ugu badan dadka soo maaliyeed gaar ahaan dhallin yarada kuna saabsan guurka. Ninka iyo gabadha..ok
1 - Gabar aan aabbeheed bixin oo uusan raalli ka ahayn nin haduu meher xado diintu maxay ka qabtaa ?
2 - Haddayse dhacdo oo la meheriyo meherka gabadha ay kula hishiiso haduusan siin ayana maxay diintu ka qabtaa … ?
Waad mahadsan tihiin >>
Wa calaykuma salaam wa Raxmatu Allaah.
Walaal, waa su’aal fiican, waadna ku mahadsan tahay.
Sida aad sheegtay nasiib darro waa arrin dadka aad ugu badan, waana qalad ay wada galaan culimo iyo caammoba.
Culimo marka aan leeyahay waxa aan ka wadaa sheekha loo tegayo oo isagu Diinta metelayaa ma odhaanayo walaalayaal haddii uusan weligii ama ninkii gabadhan mas’uulka ka ahaa haddii uusan idinla soconnin ma meherinayo gabadhan.
Caammana waxa aan ka wadaa wiilka iyo gabadha iyo markhaatiyaasha meesha soo fadhiistay oo sida ay u badan yihiin daliilkooda ugu badan ee ay wataan uu yahay weligeedba waa la samayn jiraye maxaa ka macna ah.
Gabadha marka la guursanayo inuu weligeedu idmo waxaa la inoogu caddeeyey Qur’aanka iyo sunnadaba.
Allaah, Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu leeyahay :
<<GUURSADA IDINKOO IDAN WAYDIISANAYA EHELKOODA OO MEHERKOODANA SI MACRUUF AH U SIIYA…>>
Annisaa :25
فانكحوهن بإذن أهلهن وآتوهن أجورهن بالمعروف
Waxaa kale oo uu Allaah, Subxaanahu wa Tacaalaa Qur’aanka inoogu sheegay qisadii Nebi Muuse, calayhi salaam, in aabbihii Saalixa ahaa uu Nebi Muusa calayhi salaam ku yidhi:
<<WAXAAN DOONAYAA INAAN KUU GUURIYO MID KA MID AH LABADAYDA GABDHOOD…>>
Al-qassas :27
قال إني أريد أن أنكحك إحدى ابنتي هاتين
Rasuulkuna sallaa Allaahu calayhi wa sallam wuxuu xadiithyo badan ku tilmaamay in meherka la sameeyo iyadoo uu weligii gabadhu maqan yahay inuu yahay meher aan jirin.
Waxaana ka mid ah xadiithyadaa midka ay werinayso Caa’ishah, Allaah haka raalli noqdee ee uu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu leeyahay :
<<Gabadh kasta oo guursata iyada oo uusan idmin weligeedu, nikaaxeedaasi waa baadil (ma jiro), nikaaxeedaasi ma jiro, nikaaxeedaasi ma jiro>>
Termidi, Abii-Daa’ouud, Ibnu Maajah, waxaana saxeex yeelay Albaani.
عن عائشة رضي الله عنها قالت : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل فنكاحها باطل ، فنكاحها باطل
رواه الترمذي وأبو داود وابن ماجه
وصححه الألباني في إرواء الغليل
Shareecada Islaamku waa mid dhammays-tiran oo ku taagan ilaalinta xaquuqda cid kasta. Waxyaabaha ay shareecadu ilaaliso waxaa ka mid ah sharafta qofka muslimka ah.
Aabbaha muslimka ahina isaga ayaa mas’uul ka ah ilaalinta usradiisa, haddii uu maqan yahayna ciddii kale ee isaga metelaysa ayaa mas’uul ka ah.
Aabbuhu marka uu tarbiyadaynayey gabadhiisa illaa ay ka qaan-gaadho wuxuu xaq u leeyahay inuu la socdo cidda guursanaysa gabadhiisa iyo guriga ay degi doonto. Isagu waa mas’uul waana waayo-arag, wuxuuna garanayaa qiimaha ragga, wuxuuna oddorosi karaa ninka gabadhan kasoo doonay inuu gabadhiisa dhaqan karo iyo in kale.
Aabbayaasha waxaa la faray inay ilaaliyaan mas’uuliyaddooda, waxaana lagama maar-maan ah inuu meel fiican ku hubsado gabadhiisa.
Guud ahaan awlaadda, gaar ahaan gabadha oo hadalku ku socdo waxaa iyana uu Allaah subxaanahu wa Tacaalaa uu faray inay waalidka addeecdo oo ay baarri u noqoto. Waalidka oo la addeecana waxaa marar kala geddisan lagu xigsiiyey ama laga dhigay qodobka ku xiga in Allaah la caabudo.
<<RABBIGAA WUXUU WAAJIB KA DHIGAY INAAN ALLAAH WAX KALE LALA CAABUDIN IYO IN WAALIDKA LOO IXSAAN FALO>>
Al-Israa :23
وَقَضَى رَبُّكَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا
Waalidka oo caasi lagu noqdona waxaa Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay kabaa’irta.
Abuubakar, Allaah haka raalli noqdee, waxaa laga weriyey inuu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu yidhi saddex jeer:
<<MA IDIIN SHEEGAA DENBIYADA UGU WAAWEYN (SADDEX JEER) CIBAADADA OO ALLAAH CID KALE LALA WADAAJIYO, IYO IN WAALIDKA CAAQ LAGU NOQDO …>>
Bukhaari iyo Muslim
أَخْرَجَ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ وَغَيْرُهُمَا عَنْ أَبِي بَكْرٍ رضي الله عنه قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم { أَلَا أُنَبِّئُكُمْ بِأَكْبَرِ الْكَبَائِرِ ثَلَاثًا ؟ قُلْنَا بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ الْإِشْرَاكُ بِاَللَّهِ وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ , وَكَانَ مُتَّكِئًا فَجَلَسَ فَقَالَ : أَلَا وَقَوْلُ الزُّورِ وَشَهَادَةُ الزُّورِ , فَمَا زَالَ يُكَرِّرُهَا حَتَّى قُلْنَا لَيْتَهُ سَكَتَ
Waalidiinta waxaa looga baahan yahay inay gabdhahooda ku tarbiyadeeyaan inayna ninna la marin dariiq cidla ah, waxaana looga baahan yahay inay guurka fududeeyaan oo ayna shuruudo ad-adag ku xidhin. Waxa ugu muhiimsani waa inay gabdhahooda siiyaan kalsooni ah inay ula yimaaddaan ninkii ay rabaan inay guursadaan haddii uu yahay mid Allaah ka cabsanaya kaasoo ku sifaysan akhlaaq wanaag.
Waalidku waa inuu ogaado haddii uusan sidaa yeelin inuu naftiisa iyo mujtamaca oo dhanba usoo jiidayo Fitno aad u wayn sida uu Rasuulkuba sallaa Allaahu calayhi wa sallam inoogu sheegay xadiithkii Abaa Hureyrah ee uu Albaani saxiix yeelay.
<<HADDII UU IDIIN YIMAADDO MID AAD RAALLI KA TIHIIN DIINTIISA IYO AKHLAAQDIISA U GUURIYA, HADDII AYDNAAN SIDAA YEELIN WAXAA DHULKA KA DHICI DOONTA FITNO IYO FASAAD WAYN>>
إذا أتاكم من ترضون دينه وخلقه فزوجوه، وإلا تكن فتنة في الأرض وفساد كبير
Ninka gabadha guursanayana waxaa waajib ku ah inuusan reerkiisa ku aas-aasin xaraam iyo karaahiyo iyo tuugannimo. Waxaa waajib ku ah inuu raalli geliyo waalidkiis iyo xaaskiisa waalidkeed oo isagana waalid cusub u ah. Waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo shareecada Islaamka iyo sida ay ina Amrayaan Allaah iyo Rasuulkiisu sallaa Allaahu calayhi wa sallam.
Wadaadada huwan cumaamaddii culimada ee dariiqa fadh-fadhidana waxaa dushooda saaran inayna sharaftii Diinta iyo ilaallinteedii ku iibsannin shilimmo yar oo uu cadaab ka danbeeyo.
Mujtamaca oo dhanna waxaa laga rabaa inay ka hor yimaaddaan dhaqankaa xun. Maxaa yeelay qofna raalli kama aha in walaashii ama gabadhiisa lala dhuunto ama ay dariiqaas oo kale marto.
Qaybta kale ee su'aasha ee ahayd meherka gabadha loo ballan qaadayna waxaan kusoo gaabinaynaa inay ninka waajib ku tahay inuu meherka siiyo gabadha.
Haddii uu mehersado oo uusan la guri gelinna wuxuu siinayaa meherka badhkii, inkastoo ay kasii fiican tahay in ninkaa isaga ah laga cafiyo.
Haddii uu la aqal galayna wuxuu bixinayaa meherkii oo dhan. Waxaana wanaagsan in isla maalinta la meheriyaba gabadha la siiyo meherkii loo ballan-qaaday.
Caadada soomaalida ee ah in meherka la bixiyo maalinta la furayana waa caadooyinka bidcada ah oo aan Diinta sal ku lahayn.
Gabadhu way cafin kartaa, waxaase aad u wanaagsan in gabadha la siiyo inta aan iyada khaatumka laga furin.


WA BILLAAHI TOWFIIQ

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SU’AAL IYO JAWAAB (NIKAAXA AAN WELIGA LA OGAYSIINNIN):
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-29T04:54:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SU’AAL IYO JAWAAB (NIKAAXA AAN WELIGA LA OGAYSIINNIN):



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:54 AM and have 0 comments