Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo

Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo


ADVERTISEMENTS
 Wakiilada reer galbeedka ee Somaliland ayaa ka walaacsan saameynta kooxda Al-Itixaad Al-Islaami ee kusii kordhaya maamulka madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, sida ay sheegeen ilo-diblomaasiyeed.

Walaacan ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay dabaayaqadii sanaddii tagtay, markii wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu dibadbaxyo ka dhan ah Britain u adeegsaday hogaamiyayaasha kooxda Al-Itixaad ee Somaliland.

Ilo-diblomaasiyeed ayaa sheegay in markii Britain ay kasoo horjeesatay dib u dhigga ay Somaliland ku sameysay doorashada madaxweyne, uu Maxamuud Xaashi Cabdi abaabulay dibadbax ay qeyb ka ahaayeen hogaamiyayaasha Al-Itixaad ee Somaliland, oo looga soo horjeeday safiirkii hore ee Britain ee Somalia Hurriet Mathews.

Bilo kadib ayaa Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu Siilaanyo ka dhaadhiciyey in xubno Al-Itixaad ah ay ka mid noqdaan golaha diinta Somaliland, waxaana ka mid ah Xasan Sheekh Cali Warsame, oo uu dhalay Sheekh Cali Warsame, oo ah ninkii aas-aasay kooxda Al-Itixaad.



Xiriirka reer galbeedka iyo Somaliland ayaa sidoo kale sii xumaanayey tan iyo markii Somaliland ay ku guul-darreystay inay qabato doorashada madaxweyne, oo waqtigooda dib uga dhacday muddo ku dhow labaatan sano.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-23T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments