Muuqaalka Dareenka Ku Dheehnaa Oo Ay Wada Sameeyeen Ajay Iyo Ileana Oo Filimka Baadshaho Laga Jaraayo!

Muuqaalka Dareenka Ku Dheehnaa Oo Ay Wada Sameeyeen Ajay Iyo Ileana Oo Filimka Baadshaho Laga Jaraayo!


ADVERTISEMENTS
Director Milan Luthria iyo kooxdiisa filimka Baadshaho waxay ku qaadatay 10-daqiiqo inay muuqaal dareen ku dheehan ka duubaan Ajay Devgn iyo Ileana D’Cruz.

Xitaa goos gooska filimkaan iyo hees u gaar ah labadaan jilaa ayaa lagu soo bandhigay muuqaalkaan hadal heynta xoogan dhaliyay.

Laakiin Director Milan Luthria ayaa go’aan ku gaaray inuu muuqaalkaan ka jaro gabi ahaanba filimka Baadshaho ka hor inta aan la horgeynin gudiga filimada faaf reebaan.

Director Milan Luthria wuxuu yiri “Muuqaalka dareenka ah ee Ajay iyo Ileana dhex maraayo waxay nagu qaadatay 10-daqiiqo sameyntiisa hadana waxaan go’aan sanay inaan ka jarno filimka inkastoo sheekada filimka muhiim u yahay”

“Sababta waxay tahay ma rabno gudiga filimada faaf reebaan inay nagu soo celiyaan Baadshaho ama ay siiyaan shahaado dadka qaangaarka oo kaliya inay daawan karaan filimkeena”

“Sidaa darteed shumiskii Ajay iyo Ileana dhex maray iyo muuqaalada Ileana dhabarkeeda banaan yahay waan ka jarnay Baadshaho waxaana rajeyneynaa in la siin doono shahaado qof walbo uu filimkaan ku daawan karo”


Baadshaho waa filim Action iyo dhaca bangiyada isku jiro ah waxaana la daawan doonaa 1 September sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh jilaayasha ay ka mid yihiin Emraan Hashmi, Esha Gupta, Vidyut Jammwal iyo Sanjay Mishra




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Muuqaalka Dareenka Ku Dheehnaa Oo Ay Wada Sameeyeen Ajay Iyo Ileana Oo Filimka Baadshaho Laga Jaraayo!
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-23T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muuqaalka Dareenka Ku Dheehnaa Oo Ay Wada Sameeyeen Ajay Iyo Ileana Oo Filimka Baadshaho Laga Jaraayo!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments