Imisa Kiilo Ayay Jirkeeda Ku Kordhisay Shraddha Kapoor Si Ay Doorkeeda Haseena Parkar Kaga Run Sheegto

Imisa Kiilo Ayay Jirkeeda Ku Kordhisay Shraddha Kapoor Si Ay Doorkeeda Haseena Parkar Kaga Run Sheegto


ADVERTISEMENTS
 Atirishada la wada jecel yahay Shraddha Kapoor waxay la timid waji cusub oo Gangester-nimo ah waxayna ku mataleysaa noloshii gabadha Mumbai laga cabsan jiray 80-maadkii iyo 90-maadkii Haseena Parkar.

Hadaba Shraddha Kapoor si ay doorkeeda filimka Haseena Parkar kaga run sheegto waxay jirkeeda miisaan ahaan ku kordhisay 17-kiilo!

Sababta miisaankeeda 17-kiilo ugu kordhisay waxay tahay inay Shradha filimka Haseena Parkar ku mataleyso 17-jir ilaa 45-jir oo ah marxaladihii ay Haseena soo martay.

Director Apoorva Lakhia oo filimka Haseena Parkar sameeyay wuxuu yiri “Shraddha marna ma aysan rabin hal muuqaal oo filimka Haseena ku jiro in laga been sheego sidaa darteed miisaankeeda ayay 17-kiilo ku kordhisay marka ay jileyso Haseena oo 45-jir ah”

“Waxay u qalantaa Shraddha Kapoor in doorkeeda dhibka badan lagu siiyo National Film Awards madaama ay muuqaal walbo si xaqiiqo ah u matashay”



Filimka Haseeena Parkar waxaa la daawan doonaa 18-ka bisha August ee nagu soo fool leh sidoo kalena Shraddha walaalkeed Shiddhant Kapoor ayaa filimkan door muhiim ah ku leh.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Imisa Kiilo Ayay Jirkeeda Ku Kordhisay Shraddha Kapoor Si Ay Doorkeeda Haseena Parkar Kaga Run Sheegto
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-22T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Imisa Kiilo Ayay Jirkeeda Ku Kordhisay Shraddha Kapoor Si Ay Doorkeeda Haseena Parkar Kaga Run Sheegto



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments