Dhageyso: NISA Oo Laga Dhigaayo Sidii Ay Berisamaadkii Ahaan Jireen Ee Dhar Cadka

Dhageyso: NISA Oo Laga Dhigaayo Sidii Ay Berisamaadkii Ahaan Jireen Ee Dhar Cadka


ADVERTISEMENTS
Wasiirka amniga gudaha ee dowladda federaalka Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in uu socdo qorsho cusub oo amaanka caasimada wax looga qabanaayo isla markaana ay nadan diyaarinta ciidamo gaar ah, kuwaasoo lagu wareejinaayo guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada NISA ee sirdoonka in mustaqbalka dhow lagu soo celin doono sidii ay ahaan jireen beri samaadkii xiligii dowladdii kacaanka oo kale, kuwaasoo ahaa dhar cad isla markaana dadka laga aqoon.

“Waxaa socda qorshe ciidamo gaar ah oo ka howlgala Muqdisho kuwaasi oo madaxda ilaalin doona, amnigana ka shaqeynaya, NISA-na, mustaqbalka dhow waxaan kusoo reebi doonaa dharcad sidii ay ahaan jirtay, magaaladana ma ahan in lagu arko gaadiid ku buufsan NISA, mana la arki doono” ayuu yiri wasiirka amniga.



Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ka howlgala ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya xasilinta amniga, kuwaasi oo howlgalo kala duwan ka fuliya.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dhageyso: NISA Oo Laga Dhigaayo Sidii Ay Berisamaadkii Ahaan Jireen Ee Dhar Cadka
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-19T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dhageyso: NISA Oo Laga Dhigaayo Sidii Ay Berisamaadkii Ahaan Jireen Ee Dhar Cadka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments