Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya

Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya


ADVERTISEMENTS
 Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iiyo Siyaasiyiinta.

Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaaliya u soo direysa qubaro heer caalami ah oo kormeeri doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo basaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey iyagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka ugu siiso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Adam Koofi ayaa muddooyinkii u damebyay waxaa uu safaro ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan Soomaalida heysta Baasaboorada Shisheeye ka codsatay inay ku safraan baasaboorka Soomaaliga marka ay ku baxayaan magaca Soomaaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalamka.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-21T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments