Sawiro: Meydad u badnaa Gabdho oo laga soo saaray Dhismaha Pizza House iyo Gabdho isla dhashay oo ku jiro

Sawiro: Meydad u badnaa Gabdho oo laga soo saaray Dhismaha Pizza House iyo Gabdho isla dhashay oo ku jiro


ADVERTISEMENTS
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goor dhow oo saaka ah soo gaba gabeeyay howl galkii ka socday Maqaayadda Pizza House, kaddib howl gal qaatay saacado oo tan iyo xalay ka socday gudaha Maqaayadda.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay, isla markaana xaalada ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

meydad hor leh ayaa saaka laga soo saaray Maqaayadda Pizza House oo xalay ay weerareen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo howl gal qaatay 11 saacadood kaddib ay ciidamada ammaanka ku guuleysteen in goor dhow oo saaka ah ay soo afjaraan.

Dadka kale ee gudaha Pizza House  lagu arkay waxaa ka mid ah 4 gabdhood oo walaalo oo 3 ka mid ah la dilay halka midda 4aad la toogtay kadibna ay meyd iska dhigtay, sidaasina ay ku bad-baaday mid ka mid ah gabdhihii, guud ahaan meydadka gabdhaha ee lasoo bixiyeyna waa 6 Gabdhood.

Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Illaa 18 ruux ayaa ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday labada Maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.




Waxaa laga yaabaa inuu Khasaaraha intaas ka bato maadaama uu weerarka dhacay xilli habeen ah, wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.









ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sawiro: Meydad u badnaa Gabdho oo laga soo saaray Dhismaha Pizza House iyo Gabdho isla dhashay oo ku jiro
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-19T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sawiro: Meydad u badnaa Gabdho oo laga soo saaray Dhismaha Pizza House iyo Gabdho isla dhashay oo ku jiro



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments