Go’doominta Qatar oo faa’iido isu beddeshay, dhaawacna gaarsiin karta Imaaraadka

Go’doominta Qatar oo faa’iido isu beddeshay, dhaawacna gaarsiin karta Imaaraadka


ADVERTISEMENTS
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in go’doominta ay saareen dalalka carabta ee xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay si lama filaan ah ugu noqotay mid ay ka faa’iideysan karaan.

Dalalkan ayaa hakiyey inta badan maraakiibtii tagi jirtay dekedda Hamad ee dalka Qatar, taasi oo dhalisay cabsi ku saabsan cunno yari soo wajahda dadka dalkaas.

Hase yeeshee kadib markii Qatar ay billowday marin cusub oo maraakiibta kusoo safraan, ayaa hadda saraakiisha dalkaas waxay rumeysan yihiin in tani Qatar ay ka caawin karto in hadda kadib aysanba isku haleyn dalalka Khaliijka.

“Tani waxayba noo noqotay arrin aan shar u haysanay oo kheyr isu beddeshay” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan dekedda Hamad.

“Hadda si iskeen ah ayaan heshiisyo ugu saxiixeenaa dekedda Hamad oo aan la geleyno shirkadaha wax dhoofiya, dekeddeena ayaaba noqon karta mid si toos ah u yimaadaan badeecadaha, oo aan naloo soo marsiin dekedda Jebel Ali ee Dubai” ayuu sii raaciyey.


Dekedda Jabel Ali ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Dubai, waxaana haddii dekedda Hamad ay noqoto mid aan alaabaha loo soo marsiin dekeddaas oo iskeed u taagan, ay tani dhaawac dhaqaale gaarsiin kartaa Imaaraadka.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Go’doominta Qatar oo faa’iido isu beddeshay, dhaawacna gaarsiin karta Imaaraadka
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-18T18:39:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Go’doominta Qatar oo faa’iido isu beddeshay, dhaawacna gaarsiin karta Imaaraadka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:39 PM and have 0 comments