Qoraalka Maxaan U Adeegsanaa Inta Badan Asigoo 7% Ka Ah Noocyada Dadka Ku Wada Xariiraan

Qoraalka Maxaan U Adeegsanaa Inta Badan Asigoo 7% Ka Ah Noocyada Dadka Ku Wada Xariiraan


ADVERTISEMENTS
Inta badan dadka waxay adeegsadaan qoraal (Text) hadii ay noqon lahey dhanka Mobile-ka ama fariimaha Internet-ka la isugu diro si ay u sameeyaan xariir miro dhal ah.

Bini aadanka siyaabo kala duwan ayay ku wada xariiri karnaa hadana badankeena waxaan jecelnahay inaan fariin qoraaleed dirno halka aan qofka waji ka waji ula kulmi laheyn ama taleefon kala hadli laheyn.

Quburada ku xeel dheer sida xariirka dadka u sameeyeen waxay sheegeen in qoraalka 7% uu ka yahay siyaabaha kala duwan ee loo wada xariiri karo.

58% bini aadanka jirka ayay ku wada xariiraan ayadoo madaxa la ruxaayo, gacmahana siyaabo kala duwan loo adeegsanaayo waana xariirka ugu badan ee noolaha isku fahmi karaan.

Waxaa kusoo xigo 35% bini aadanka hadal ku wada xariiraan inta badana dadka isku luqada ah ayaa wada hadlaan oo wax isla fahmi karaan xiriirkoodana sax sanaan karaa.

Hadaba Qoraalka Muxuu U Noqday Xariirka Aad Ku Kalsoon Tahay Inaan Qof La Sameyn Kartid:

Qoraalka wuxuu kuu bad baadiyaa waqtigaaga marka aad fariin dirtid wey ka sahlan tahay inaad hadashid midaas oo u baahan waqti badan.

Qofka aad ka cabsaneysid oo aan fool ka fool xariir ula sameyn karin qoraalka wuxuu kaa caawin karaa inaad si sahlan danahaaga ugu sheegtid.

Qoraalka wuxuu ku wanaagsan yahay in kaliya lagu abaaro soo bandhigiga danta aad leedahay taasi oo aan waqti badan qofka kale ka lumineyn.

Qoraalka wuxuu kuu keydiyaa tamar/energy badan oo hadalka kaaga lumi lahaa.

Gunaanad, aqriste adiga iska soo qaad qoraal inaad sameyid micnaha inaad fariin qoraaleed dirtid makuu yahay waxa ugu muhiimsan ee aad qof kula xariirtid…………


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qoraalka Maxaan U Adeegsanaa Inta Badan Asigoo 7% Ka Ah Noocyada Dadka Ku Wada Xariiraan
Posted by:galmada Net
Published :2017-04-17T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qoraalka Maxaan U Adeegsanaa Inta Badan Asigoo 7% Ka Ah Noocyada Dadka Ku Wada Xariiraan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments