xul fariimo jaceyl top 10 ka ah

xul fariimo jaceyl top 10 ka ah


ADVERTISEMENTS
Qiimo weyn ayaad u leedahay qalbigeyga waana ku daalaay doon doonkaaga, ma soo koobi karo baaxada uu leeyahay rabitaanka aan kuu qabo aan isisiino fursadaha nolosha si aan weligeen farxad ugu noolaano.balse ha ku dhiiranin marnaba inaad ilowdo.

Haddii aad rabto inaad qaligeyga gubto cidna kaama hortaagna,laakin ogow keyga wuu kuu damqadaa kaana fekeraam, Isii xanuun kale laakin marnaba ha i ilaawin, adiga maahe wax kale kama rabo dunidaan gacaliso/gacaliye Jaceylkaaga waa igu filan yahay,waana iga tan weyn yahay, waxaan kuu sidaa xermo ubax ah oo aad u udgoon kaasoo laamihiisu badan yihiin.ha yareysan guuxa qalbiyadeena waayo waxaan neefsaneyno waa jaceyl dhiigeena waxaa ka buuxa caashaq mugweyn.

Fadlan garabkeyga taagnaaw waxaad tahay qoraxdii nafteyda iftiimineysay dugaalkii aan dhaxanta ka dugsanaayay,waxaa inoo qoran inaan gacmaha isqabsano oo aan ku noolaano farxad intaa dhiman cimrigeena iyadoo aan cidna na hortaagneyn.dib ayaan u dhigaa howlmaalmeedkeyga oo dhan si aan adiga kugu ildoogsado nuur ka indhahaaga ayaa i sixraday .

Waan ka jeclahay dhulka meesha aad adiga uga nooshahay ee maalin walbo aad ku socoto, waayo waxaan ka dugaashadaa ruuxaaga, waxey iiga dhigan tahay sida in dhoobadeena hal meel laga wada qaaday oo kale.

Jaceylkaaga wuxuu isii yaalaa maalin walbo nolol cusub oo farxad leh dadkuna marka ay i weydiiyaan waxa aan sida qotada dheer kugu jeclahay waxaan ugu amaanaa inaad leedahay shaqsiyad aan la heli karin.

Fiicnaan laheydee hadii aan dareensanaan laheyn ahmiyada ay xiriirkeena u leedahay inaan is aamino qalbiyadana isku furno.
Fiicnaan laheydee hadii uu jiritaanka jaceylkeena uu noqon lahaa mid waara ebedkiis.

Dadka qaar waxey ilaaween oo qalbigooda laga saaray dareenka caashaqa,ogow markuu kugu soo bido dabeyshiisa go’aanada naftaada ma lihid keligaa mararka qaar qof dhoohan ayey dadka kuu arkaan si kastood u aheyd qof karti leh waad ka jilcan tahay qofkaas agtiisa waana u qalbifuran tahay, shumis.net,xitaa hadii aad qaldan tahay indhahaagu ma arkaan shaqsigaas xumaantiisa ilaa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo ereyada shalaayda aad ku digriso,Hadii aan ogaan lahaa…haduu sidaan yaali lahaa.

Jaceylku ma yaqaano islaweyni iyo santaag hadii aad tahay mid naftiisa uun umuuqata marwalbo waa hubaal in maalin maalmaha ka mid ah aad ku soo dhaceysid maqaalinta caashaqa,markaas waxaad ogaan xanuunka uu dhigaagu qabo. Goormee dembi noqotay in qof la jeclaado?



Fardowsa Maxamed Cabdulle

Fardowsatina@yahoo.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: xul fariimo jaceyl top 10 ka ah
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-02T01:54:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
xul fariimo jaceyl top 10 ka ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:54 AM and have 0 comments