Madaxweyne Erdogan oo Baaq cajiib ah u diray Jaaliyadaha Turkiga ee kunool Qaarada Yurub

Madaxweyne Erdogan oo Baaq cajiib ah u diray Jaaliyadaha Turkiga ee kunool Qaarada Yurub


ADVERTISEMENTS
Dowlada Turkiga ayaa dagaal diblumaasiyadeed kula jirta qaar kamid ah Wadamada Yurub kuyaala, waxaana wadamadaasi qaarkood dhawaan diideen in banaan baxyo lagu taageerayo Madaxweyne Erdogan lagu qabto dalalkooda.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa dagaal afka ah ku qaaday wadamo kuyaala Yurub sida wadamada Jarmalka iyo Holand, waxa uuna wadamadaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwa cunsuriyiin ah oo ku dambeeyo nidaamkii naaziyiinta.


Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo dadweyne badan kula hadlay goob fagaare ah ayaa fariin u diray dadka kasoo jeeda Turkiga , waxa uuna ugu baaqay in ay noqdaan dad isku xiran oo ka dhax muuqda dadka ay la nool yihiin.


Erdogan ayaa ugu baaqay dadyoga Turkiga ee ku nool dalalka Yurub inay awood ku yeeshaan dhulka ay ku nool yihiin , ayna noqdaan dad isku xiran oo awood dhinac kasta leh oo ka dhax muuqda Wadamada ay jogaan.


Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka Turkida ee Yurub kunool in ay dhalaan caruur badan si ay u noqdaan dad badan, waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ay noqdaan kuwa nolal ahaan ka wanagasan dadyowga kale.

'' Sida kaliya ee loogu jawaabi karo dalalka Yurub waa in walaalaheen Turkida ee dalalkaasi ku nool ay caruurtooda wax baraan, xaafadaha wanaagsan degaan, gawaarida ugu qurxoon gataan isla markaana aysan dhalin 3 caruur ah balse dhalaan 5 caruur ah…” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan .

Xirirka u dhaxeeya Dowlada Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa xumaaday kadib markii dowladahaasi diideen in dalalkooda lagu qabto banaan baxyo lagu taageerayo afti awooda Madaxweynaha Turkiga lagu kordhinayo oo laga qaadayo shacabka Turkiga.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweyne Erdogan oo Baaq cajiib ah u diray Jaaliyadaha Turkiga ee kunool Qaarada Yurub
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-21T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweyne Erdogan oo Baaq cajiib ah u diray Jaaliyadaha Turkiga ee kunool Qaarada Yurub



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments