Diyaaradaha ka duulaya Afrika iyo Bariga Dhaxe ee kusii jeeda Mareykanka oo laga mamnuucay in lala raaco ...

Diyaaradaha ka duulaya Afrika iyo Bariga Dhaxe ee kusii jeeda Mareykanka oo laga mamnuucay in lala raaco ...


ADVERTISEMENTS
Dowlada Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe ay ku mamnuuceyso diyaaradaha uga yimaada Wadamada Qaar in lala soo raaco qalabka korontada ku shaqeeya sida Laptobyada iyo sidoo kale tablets-ka .

Diyaaradaha ka imaanaya Wadamada kuyaala Qaarada Afrika iyo Bariga Dhaxe ayuu si gaar ah u saameenayaa qorshahan dowlada Mareykanka ku mamnuuceyso in diyaaradaha ka imaanaya lalal soo raaco qalabka korontada ku shaqeeya.

Amarkan ay soo saartay dowlada Mareykanka ee diyaaradaha looga mamnuucayo qalabka qaar sida Kaamirooyinka iyo Laptobyada ayaa saameyn doonta sagaal kamid shirkadaha duulimaadyada ku taga garoomo kuyaala Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa amartay in diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga dalkooda ee ka yimaada 8 dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

Amarkan cusub ee dowlada Mareykanka soo saartay ayaa loo maleenayaa in sabab u tahay cabsi laga qabo in qaraxyo loo adeegsado qalabyadaasi, waxaana horey u dhacay qarax laptob loo adeegsaday.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Diyaaradaha ka duulaya Afrika iyo Bariga Dhaxe ee kusii jeeda Mareykanka oo laga mamnuucay in lala raaco ...
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-22T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Diyaaradaha ka duulaya Afrika iyo Bariga Dhaxe ee kusii jeeda Mareykanka oo laga mamnuucay in lala raaco ...



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments