cilmibaare swedish ah oo yiri dadka caruurta leh oo ka cimri dheer kuwa aan waxba dhalin

cilmibaare swedish ah oo yiri dadka caruurta leh oo ka cimri dheer kuwa aan waxba dhalin


ADVERTISEMENTS
Cilmi baare Iswiidhish ah ayaa baaritaano cusub ku sameeyey da’da dadka iyo farqiyada u dhexeeya , waxaana cilbaaristaan lagu soo daabacey wargeyska lagu magacaabo Epidemiology and community Health.

Horey ayaa cilmi baarayaasha adduunku u qireen in dadka waalidiinta ahi ay noolaadaan muddo dheer taas oo arrima badan oo bulshooyinka la xiriira raad ku leh.

Balse baaritaankaan cusub ee uu soo saarey baare ka hawlgala machadka Karolinska, ayaa baaritaano ku sameeyey cimri dhererka dhammaan ragga iyo dumarka da’doodu ka weyneyd 60 jirka kuwaas oo dalkaan Iswiidhan ku dhashey muddadii u dhaxeysey sanooyinkii 1911-kii ilaa iyo 1925-kii, wuxuuna cilmi baaruhu baaritaanadaas sii wadey ilaa iyo intii qaarkood ay da’ ahaan ka gaarayeen 103 jir.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaadey in dadkii caruurta dhaley ay laba sano ka cimri dheeraadeen kuwii aan caruurta laheyn, baaritaanka ayaa sidoo kale natiija ahaan lagu ogaadey in cimri dhererkaasi sii kordhayo markii da’da dadkaas ilmaha dhaley ay sii siyaadaba.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: cilmibaare swedish ah oo yiri dadka caruurta leh oo ka cimri dheer kuwa aan waxba dhalin
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-24T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
cilmibaare swedish ah oo yiri dadka caruurta leh oo ka cimri dheer kuwa aan waxba dhalin



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments