App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda

App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda


ADVERTISEMENTS
Degmadda Järfälla ayaa ugu horreeysa degmooyinka waddanka halka laga isticmaalo appka magaciisu yahay ”Saaxiibka Järfalla, af-iswiidhish ”Järfälla kompis”. Kan ayaa loogu talo galay in uu qaxootiga waddanka ku cusub caawiyo.

-Anaga waxaa noo muhiim ah in uu qof kasta goorta u rabo jawaabo u helo su´aalaha u markaas leeyahay, saacad kasta. Halkii ay xafiis fadhiisan lahaayeen oo jawaabta sugi lahaayeen islamarkiiba jawaabtaas wuxuu ka helaya app-kan cusub. Sidaas ayuu sheegay Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadan.



Wuxuu ku soo baxaa iswiidhish, soomaali, ingiriis, carabi, dari iyo espanyool. Halkaas ayey dadka waddanka ku cusubi maclumaadka ay u baahan yihiin ka heli karaan. Tusaalahan sida shaqo, hooy, mucaawino iyo xuquuqda uu leeyahay.

App-kan ayaa degmadda laga bilaabay bishi jannayo luguna talo galay sannad tijaabo ah.

Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadda Järfälla ayaa sheegay in degmadani qaabishay qaxooti boqol dhaafsiisan halka sannadka aan ku jirno la filayo in in intaas leeki timaado degmada. Aad ayey ugu muhiim tahay in ay islamarkiiba bulshadda u soo galaan, waxaan hubaa app-kani ka caawin doono intaas ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Alexander Rajsic.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-24T19:19:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:19 PM and have 0 comments