Agaasime Cusub oo Loo Magacaabay Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya

Agaasime Cusub oo Loo Magacaabay Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya


ADVERTISEMENTS
Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii uu amar ku bixiyay Madaxweyne Farmaajo in la bedelo Shador Xaaji, iyadoo lagu bedelay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada, Waxaana la sheegay inuu yahay Nin howlkar ah.

Shador xaaji ayaa lagu wadaa in loo bedelo qeyb kale oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale, Sidoo kale is bedel ayaa lagu sameeyay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada, waxaana Madaxtooyada wali ka socota kala shaandheynta xilalka.

Villa Somalia ayaa wali ku jirta xaalad kala guur ah iyo xilal kala bedel, iyadoo dhowaan lagu wado in Agaasime Guud oo rasmi ah loo magacaabo Madaxtooyada, iyadoo Agaasimaha xilligan ee KMG ah Cali Fiqi la Filayo inuu ka mid noqon doono Wasiirada cusub.



Dhinaca kale waxaa booskii uu ka tagay Siyaad Maxamuud Shire oo ahaa Madaxa Protocol-ka ama Hab maamuuska Madaxtooyada ayaa waxaa lagu bedelay nin cusub oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Agaasime Cusub oo Loo Magacaabay Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-20T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Agaasime Cusub oo Loo Magacaabay Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments