XOG: Maxay tahay sababta uu qaali u yahay Passport Soomaaliya?

XOG: Maxay tahay sababta uu qaali u yahay Passport Soomaaliya?


ADVERTISEMENTS
 Waxaa jirta kororka cabashada inta badan laga muujiyo sameysashada baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa markii ugu horeysay arintaasi ka hadlay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo sharaxaad ka bixiyay sababta qaali ka dhibtay baasaboorka Soomaaliya.

Maxamed Aadan Jimcaale “ Koofi” agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in qalabka lagu sameeyo baasaboorka Soomaaliya uu yahay mid Qaali ah.

Qalabka oo qaali ah ayuu sheegay inay tahay sababta koowaad ee keeneysa inuu qaali noqdaa baasaboorka Soomaaliya, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in wasaarada Maaliyada ay dajisay qiimaha lagu sameynayo Passport-ka oo sida uu sheegay lagu saleeyay Habka maaliyadeed iyo qiimaha qalabka uu joogo.

Dhanka kale qaar ka mid ah Wadamada Yurub iyo Dalka Mareykanka ayaan weli aqoonsaneyn Passport-ka Soomaaliga.


Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale “ Koofi” ayaa sheegay in ay ka shaqeynaya sidii Passport-ka Soomaaliga caalamka oo dhan looga aqoonsan lahaa.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XOG: Maxay tahay sababta uu qaali u yahay Passport Soomaaliya?
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-27T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG: Maxay tahay sababta uu qaali u yahay Passport Soomaaliya?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments