Xaqiiq: Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Bowdy Ee U Dhashay USA Kaa Oo Misna Loo Haystay Inuu Gabar Kufsaday Oo Si Lama Filaan Ah Madaxa Rasaas Isaga Dhuftay XIlli Uu …..!!

Xaqiiq: Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Bowdy Ee U Dhashay USA Kaa Oo Misna Loo Haystay Inuu Gabar Kufsaday Oo Si Lama Filaan Ah Madaxa Rasaas Isaga Dhuftay XIlli Uu …..!!


ADVERTISEMENTS
Jilaaga reer America ee Frederick Jay Bowdy ayaa is dilay xilli uu hawada si toos ah ugu jiray kadib markii uu Live ah uga soo galay mid kamid ah akoonadii uu ku lahaa Baraha Bulshada.

Booliska Los Angeles ayaa Xaqiijiyey inuu ninkaan is dilay maalmo kadib markii lasoo qabtay iyadoo lagu helay inuu kufsi geystay laguna xukumay inuu bixiyo   lacag gaareyso ilaa 100 Kun Oo Dollar.

Frederick Jay oo ahaa 33 jir ayaa Shan Saac Iyo bar subaxnimo xilliga USA maalintii isniinta si toos ah hawada uga soo galay Facebook wuxuuna taageeryaashiisa u sheegay inuu hadda soo gabagabeyn doono noloshiisa, kadibna wuxuu Rasaas iga dhuftay madaxa sida uu sheegay Los Angeles times.

Facebook Community ayaa go’aansaday inay muuqaalkaan saaraan akoonka Facebook-ga maadaama uu yahay muuqaal naxdin badan.

Qaar kamid ah taageerayaashiisa ee soo raacay qoralaka  iyo muuqaalka uu soo dhigay facebook gaar ahaan kuwa ay isku xaafad yihiin ayaa booliska ku wargeliyey, waxaana si deg deg ah loo soo diray saraakiil Boolis balse nasiib darro waxay meesha tageen isagoo meyd ah wuxuuna falkaan ka dhex sameeyey baabuurkiisa oo yaala wadada Crumpston.


Ugu Dambeyntii dadka saaxiibada la ahaa Jilaagaan ayaa bilaabay inay dareenkooda ka muujiyey sida ay u arkaan dilkaan waxayna ku tilmaameen inuu yahay fal aad looga xumaado.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xaqiiq: Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Bowdy Ee U Dhashay USA Kaa Oo Misna Loo Haystay Inuu Gabar Kufsaday Oo Si Lama Filaan Ah Madaxa Rasaas Isaga Dhuftay XIlli Uu …..!!
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-01T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xaqiiq: Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Bowdy Ee U Dhashay USA Kaa Oo Misna Loo Haystay Inuu Gabar Kufsaday Oo Si Lama Filaan Ah Madaxa Rasaas Isaga Dhuftay XIlli Uu …..!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments