War Deg Deg Ah: Codeynta Doorashada Wareegii koobaad oo soo dhamaatay iyo tirinta Codadka oo bilaabaneysa

War Deg Deg Ah: Codeynta Doorashada Wareegii koobaad oo soo dhamaatay iyo tirinta Codadka oo bilaabaneysa


ADVERTISEMENTS
Waxaa goordhaw soo gabo gabowday codeynta wareega hore ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ku tartamayaan 21-Musharax.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa bilaabay tirinta codadka Xildhibaanada, waxaana la filayaa wareega hore ee doorashada in ay ku haraan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Wareega labaad ee doorashada waxaa isugu soo hari doona afarta Musharax ee ugu codadka badan , waxaana wareega sedexaad ee doorashada usii gudbi doona labada musharax ee ugu codadka badan.

Musharaxiinta isku soo hareysa wareega labaad ayaa lagu saadaalin doonaa sida ay codadka u kala helaan, waxaana suurto gal ah in wareega ugu dambeeya dooarshada ay wax is bedelaan. 


Doorashada ayaa la tilmaamayaa in ay noqon doonto mid adag oo ugu dambeyn lagu kala baxi doono wareega sedexaad, walina lama ogaan karo musharaxa ku guuleesan doono. 


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: War Deg Deg Ah: Codeynta Doorashada Wareegii koobaad oo soo dhamaatay iyo tirinta Codadka oo bilaabaneysa
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-08T19:18:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
War Deg Deg Ah: Codeynta Doorashada Wareegii koobaad oo soo dhamaatay iyo tirinta Codadka oo bilaabaneysa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:18 PM and have 0 comments