Waddooyinka Muqdisho oo markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV

Waddooyinka Muqdisho oo markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV


ADVERTISEMENTS
Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaano CCTV, iyadoo saaka si aad ah looga hadal haayo inta badan magaalada.

Qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada ee marta wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa xalay lagu dhejiyay baalayaal ku xiran kaamiiroyinka qarsoon ee lagula socdo dhaq dhaqaaqyada amni.



Isgoysyada lagu xiray ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska KM4, Dabka, Banaadir, Zoope illaa sayidka, waxaana tallaabadan ay tahay mid loo qaaday sugida ammaanka, maalmo ka hor doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 8-da bishan.

Kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka ayaa la sheegay in lagu xoojin doono ammaanka iyo la socodka dhaq dhaqaaqyada.

Horay ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho looga hirgeliyay nalalka samafarayaasha ah, inkastoo markii dambe ay bur bureen, qaarkoodna cilado farsamo awgeed u shaqeyn waayay.


Caasimadaha Adduunka ayaa waxaa ku xiran kaamirooyin lagala socda dhaq dhaqaaqa amniga, waxaa u dambeysay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo sanad ka hor laga hirgeliyay kaamirooyin lagu xiray waddooyinka oo lagula socdo dhaq dhaqaaqyada amniga, kaddib weerarkii Westgate.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waddooyinka Muqdisho oo markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-05T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waddooyinka Muqdisho oo markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments