Toban Shaqsi Oo Caan Ah Oo Uu Ku Dhacay Cudurka Dillaaga Ah Ee HIV AIDS

Toban Shaqsi Oo Caan Ah Oo Uu Ku Dhacay Cudurka Dillaaga Ah Ee HIV AIDS


ADVERTISEMENTS
Cudurka AIDS ayaa ka mid ah cudurrada ugu halista badan ee dillaaga ah. 30kii sanno ee lasoo dhaafay cudurkaan waxaa u dhintay dad badan.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee dunida laga soo saaray ayey dhakhaatiirtu ku caddeeyeen inuu HIV / AIDS sabab u noqday dhimashada 36 milyan oo shaqsi adduun oo dhan.

Asia ayaa ah qaaradda dadka ugu badan ay u geeriyoodeen cudurkaan. Halkaan hoose ayaana kusoo koobi doonaa liis ka kooban 10 shaqsi oo caan ah kuwaasoo u qurbaxay cudurkaan dillaaga ah ee loo yaqaano HIV / AIDS.


LIISKA TOBAN SHAQSI OO CAAN AH OO UU KU DHACAY CUDURKA HIV / AIDS:

Magic Johnson –  Wuxuu ahaa xiddig ciyaari jiray kubadda kolayga oo ka fariistay ciyaaraha Mareykanka, waxaana ku dhacay cudurkaan dillaaga ah waana 57 sanno jir weli nool.

magic-johnson-hiv-aids

Arthur Ashe – Wuxuu ciyaari jiray Tenni sannadkii 1993dii ayuu qurbaxay waxaana loo eedeynayaa cudurkaan dillaaga ah.

arthur-ash

Keith Haring – Sannadkii 1990kii ayuu qurbaxay waxaana uu ka mid yahay dadka caanka ah ee uu asiibay cudurkaani.

keith-haring

Eazy-E – 30 sanno jirkaan fannaanka ah ayaa waxaa uu ka mid yahay dadka caanka ah ee uu ku dhacay cudurkaan dillaaga ah ee loo yaqaano HIV / AIDS.

eric-eazy-e-wright

Timothy Patrick Murphy – 1988dii ayuu qurbaxay wuxuuna ka mid yahay dadka uu haleelay cudurkaan inta badan galmada la isku qabadsiiyo.

timothy-patrick-murphy

Brad Davis – 1991dii ayuu qurbaxay kuna darso wuxuu ahaa jillaa America ah oo si weyn loo jecel yahay, laakiin maalmihiisa waxaa yareeyey HIV / AIDS.

brad-davis-hiv-aids

Rock Hudson – Jillaagii weynaa ee reer America ayaa wuxuu qurbaxay sannadkii 1985tii waxaana uu ka mid yahay dhibaneyaasha u geeriyooday cudurkaan.

rock-and-doris-day

Pedro Pablo Zamora – Wuxuu isku xilqaamay inuu dadka baro wax ku saabsan cudurkaan HIV / AIDS laakiin ugu dambeyntii sannadkii 1994tii ayuu u geeriyooday cudurkaan ninkaan oo asal ahaan kasoo jeeday Cuba.

pedro-pablo-zamora

Gia Carangi – Modelkii shidneyd intii u dhexeysay 1970 illaa 1980kii ayaa ugu dambeyn u geeriyootay HIV / AIDS sannadkii 1986dii sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo USA ah.

gia-carangi-hiv-aids

Ricky Wilson – 38 sanno jirkaani waa fannaan u dhashay Mareykanka wuxuuna la dhibtoonayaa cudurka HIV / AIDS kaasoo ka mid ah cudurrada ugu halista badan adduunka waqti xaadirkaan.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Toban Shaqsi Oo Caan Ah Oo Uu Ku Dhacay Cudurka Dillaaga Ah Ee HIV AIDS
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-01T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Toban Shaqsi Oo Caan Ah Oo Uu Ku Dhacay Cudurka Dillaaga Ah Ee HIV AIDS



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments