Maxkamadda oo laga dalbaday dib u soo celinta xayiraaddii socdaalka ee Trump

Maxkamadda oo laga dalbaday dib u soo celinta xayiraaddii socdaalka ee Trump


ADVERTISEMENTS
Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa difaacday xayiraadihii dhanka socdaalka ee madaxwayne Donald Trump, waxayna ku baaqday in maxkamadda racfaanku ay ayiddo go'aankaas iyadoo fiirinaysa danta amaanka qaranka.
Qoraal 15 bog ka kooban ayay ku faahfaahisay in "in go'aanka madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay" isla markaasna uusan ka dhignayn in Muslimiinta la mamnuucay.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya todobo dal oo Muslimiin ah.
Racfaankan ayaa loo qoondeeyay in la dhagaysto Arbacada si loo diido ama loo soo celiyo oo uu u dhaqangalo.
Racfaankan ayaa la geeyay maxkamad racfaan oo fadhigeedu yahay San Francisco iyadoo ay jawaab u tahay amarkii Trump ee uu joojiyay Jimcihii xaakim ku sugan gobolka Washington.
Xaakimkaas ayaana ku baaqay in mamnuucitaanka madaxweynuhu uusan dastuurka waafaqsanayn uuna waxyeelo u keensanayo danaha Maraykanka.
Arrintaas ayaana sababtay in ay awoodaan in ay markale dalka Maraykanka u safraan dadka haysta dal ku galka saxda ah ee ka soo kala jeeda Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya, Iiraan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee waaxda cadaaladdu ku doodayso:

  • Madaxweynaha ayaa ugu mudan in uu qaato go'aanada ammaanka qaranka
  • In ay "khalad tahay" in go'aankan lagu sheego in Muslimiinta la mamnuucayo maadaama todobadaas dal loo xusay halista argagixiso ee ka jirta
  • Sidaas daraadeed in amarku uu "dhexdhexaad yahay uuna ixtiraamayo diinta"
  • Dalalka xulafada ah in aysan xaq u lahayn arrintan
  • Jahwareer ka dhacay garoomada diyaaradaha
Go'aanka uu soo saaray madaxweynaha Maraykanka 25kii bisha koobaad ayuu kaga dhabeeya balanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol'olaha doorashada, markaas oo uu sheegay in uu sare u qaadi doono xayiraadaha dadka soogalaya Maraykanka.

Qodobada ugu muhiimsanaa amarka:

  • In soo gelitaanka Maraykanka laga mamnuuco dadka u dhashay Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya, Iiraan.
  • In si ku meelgaar ah loo xayiro dhamaan qaxootigii uu Maraykanku qaadan lahaa
  • Ahmiyadda in la siiyo diimaha laga tiro badan yahay (waxaa loo fasiray dadka Kiristaanka ah) ee qaxootinimo dalbada
  • In la mamnuuco dhamaan qaxootiga Suuriya ka imanaya

Jahwareer ayay arrintaasi ka dhalisay gudaha Maraykanka iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah markii ay noqotay in la dhaqangeliyo, si wayn ayaana loo cambaareeyay, inkastoo dadka Maraykanku ay ku kala qaybsameen sida ay u arkaan arrintaas, marka la fiiriyo araada laga aruuriyay.

Yaa ka hadlay xayiraadda socdaalka?

Gobollada Minnesota iyo Washington ayaa sidoo kale ku baaqay in xayiraadda socdaalku uusan waafaqsanayn dastuurka, uuna dhib u keensanayo dadkooda, ganacsiyadooda iyo waliba jaamacadahooda.
Xeer ilaaliyeyaasha guud ee 16 gobol ayaa saxiixay waraaq ay ku cambaaraynayaan xayiraadda, 14 gobol ayaana ka dacwooday arrintaas.

Xoghayeyaashii hore ee Maraykanka John Kerry, Madeleine Albright iyo waliba madaxii hore ee waaxda sirdoonka Maraykanka Leon Panetta ayaa ku biiray waraaqaha ay qorayeen dad kale iyaga oo xayiraadda socdaalka ku tilmaamay mid aan daliil ku filan loo haynin, halis ah oon waliba faa'iido lahayn.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Maxkamadda oo laga dalbaday dib u soo celinta xayiraaddii socdaalka ee Trump
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-07T18:58:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxkamadda oo laga dalbaday dib u soo celinta xayiraaddii socdaalka ee Trump



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:58 PM and have 0 comments