Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in Soomaaliya ay ku soo Noqonayso sideedii Hore

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in Soomaaliya ay ku soo Noqonayso sideedii Hore


ADVERTISEMENTS
 Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee maalintii shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Maxamed C/aahi Farmaajo.

Waxana uu sheegay in wax lagu farxo ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay sidii lagu yaqiinay.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.



Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in Soomaaliya ay ku soo Noqonayso sideedii Hore
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-18T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in Soomaaliya ay ku soo Noqonayso sideedii Hore



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments