Daawo Sawirro: Jidadka Muqdisho oo saaka cidlo awgeed aad ka baqeyso inaad ku lugeyso

Daawo Sawirro: Jidadka Muqdisho oo saaka cidlo awgeed aad ka baqeyso inaad ku lugeyso


ADVERTISEMENTS
Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa si aan horey loo arag u haawanaya jidadka waaweyn ee magaalada.

Wadada Maka Al Mukarama oo aheyd mida ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaan maanta lagu arkeynin wax gaadiid ah marka laga reebo gaadiid teel teel ah oo ay wataan ciidamada amaanka.

Sidoo kale waxaan jirin socodkii dadka lugeynaya ee wadada isticmaali jiray, goobihii ganacsiga ee wadadaas ku teedsanaana dhamaantood waa la xiray.

“Cabsi fara badan ayaa ku qabaneysa, marka aad aragto sida wadadan iyo wadooyinka kale ee magaalada loo cidleeyey, naftaadana ma siin kartid inaan marto” sidaas waxaa yiri goob jooge ka mid ah shacabka degmada Waaberi oo la yaabay sida xaalka wadadan uu saaka isu bedelay.

Waxaa la mid ah wadooyin kale oo magaalada ku yaalla oo dhamaantood gaadiid iska daaye ay adagtay iney ku aragto dad ku socda, waxaana dadweynaha saaka ay joogaan guryahooda, iyagoo indhaha ku haya shaashadaha oo doorashada ay kala socdaan.






Maalmo ka hor ayaa la fasaxay ardayda iskuulada, Jaamacadaha, shaqaalaha dowlada iyo kuwa kale ee shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaana lagu amray iney maanta guryahooda iska joogaan.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Daawo Sawirro: Jidadka Muqdisho oo saaka cidlo awgeed aad ka baqeyso inaad ku lugeyso
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-08T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo Sawirro: Jidadka Muqdisho oo saaka cidlo awgeed aad ka baqeyso inaad ku lugeyso



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:00 PM and have 0 comments