DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY:- Amniga Muqdisho oo Maanta aad loo Adkeeyay iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran

DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY:- Amniga Muqdisho oo Maanta aad loo Adkeeyay iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran


ADVERTISEMENTS
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta ah kuwo xiran maalintii labaad, iyadoona wadooyinka muhiimka ah lagu arkayo ciidamo aad u hubaysan oo sugaya amniga.

Hay’adaha ammaanka, ayaa waxay tani ku doonayan in ay ku xoojiyan nabadgelyada doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.



Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta dooranaya madaxweynihii dalka hogaamin lahaa afarta sano ee soo socota.



Ciidamada Dowladda, ayaa wadooyinka qaarkood ku gooyay gaadiidkooda, halka wadooyinka kalana ay biro ku gooyeen, si ay kaga hortaggan falalka liddiga ku ah xasiloonida, illaa iyo inta doorasahada laga soo gaba gabeynayo.

Marka laga soo taggo in gaadiidka dadweynaha laga joojiyay isticmaalka wadooyinka, ayaa waxaa wadooyinka loo ogolyahay in ay adeegsadan gaadiidka musharaxiinta, Xildhibaanada Labada Aqal iyo kuwa Ciidamada Dowladda & Amisom.







Xirnaanshaha wadooyinka, ayaa si guud looga dareemay Magaalada Muqdisho, waxayna aad u yareysay ama ay gebi ahaanba xirtay isu socodkii bulshada ee qaybaha kala duwan ee caasimada.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY:- Amniga Muqdisho oo Maanta aad loo Adkeeyay iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-09T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY:- Amniga Muqdisho oo Maanta aad loo Adkeeyay iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments