Beesha Habar Gidir oo lagu bahdilay magacaabista golaha wasiirada Hirshabeele

Beesha Habar Gidir oo lagu bahdilay magacaabista golaha wasiirada Hirshabeele


ADVERTISEMENTS
Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa galabta ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeele waxaase la yaab aheyd muuqalka beesha Habar Gidir ku laheyd liiskaan.

Mr Cosoble ayaa si fiican u qanciyay beesha uu ka dhashay ee Xawaadle ,beesha madaxweyne ku xigeenka ee Abgaal  iyo beelo kale, laakiin waxaa liiskaan ka muuqata sida aanan Hirshabeele looga jecleyn beesha Habar Gidir.

Beesha Habar Gidir oo leh mid ka mid ah sadexda dagmo ee ugu waa weyn Hiiraan taas oo ah Matabaan ayaa la filayay iney wasiiro muhiim ah ku yeelato golaha wasiirada ee Hirshabeele.

Image result for hirshabelle

Laakiin Mr Cosoble ayaa ka yaabiyay dadka saaxada siyaasada ku jira waxaana uu beesha Habar Gidir siiyay hal wasiir oo ah jago aanan jirin waxaana C/kariin Nuur Xasan (Doob-yare) oo u dhashay beesha Ceyr ee Habar Gidir loo magacaabay wasiirka wasaarada Bii’ada iyo Hormarinta reer Guuraaga.

Dadk arinta Hirshabeele u dhuun daloola ayaa sheegay in arintaan ay sharaf dhac iyo gaf ku tahay beesha Habar Gidir madaama qabiilo aan heysan dagmooyin la siiyay wasaarado muhiim ah.

Tusaale beesha Reer Awxsan oo 2 xildhibaan ku leh Hirshabeele waxaa ay heleen wasiirka warfaafinta halka Habar Gidir oo 5 xildhibaan kuleh maamulkaas ay qaateen wasaarada Bii’ada iyo Hormarinta reer Guuraaga.

Xildhibaanada beeshan ugu jira maamulka Hirshabeele oo aan la xiriirnay waxaa ay u sheegeen gaaloos Online in Madaxweyne Cosoble uu horey u qabay cadaawad gaar ah isagoo mar walba dadka u sheegi jiray in Habar Gidir ay qalad aheyd in xildhibaano laga siiyo Hirshabeele.

Arintaan ayaa la filaya iney abuurto xasaasiyad siyaasadeed , mid ka mid ah xildhibaanada Hirshabeele ugu jira beesha Habar Gidir ayaa sheegay iney arintaan kulan deg deg ah ka yeelan doonaan ayna hordhigi doonaan Cali C/laahi Cosoble inuu u magacaabo waxa u qalma dagmada Matabaan ama ay dagmadaas ku biiri doonto maamulka Galmudug.


HALKAAN KA AQRISO LIISKA QABIILADA:

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Beesha Habar Gidir oo lagu bahdilay magacaabista golaha wasiirada Hirshabeele
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-22T01:26:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Beesha Habar Gidir oo lagu bahdilay magacaabista golaha wasiirada Hirshabeele



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:26 AM and have 0 comments