Nin Soomaali ah oo afduub u qabsadey dad ka dukaameysanayey Walmart, gobolka Taxes ee dalka Maraykanka

Nin Soomaali ah oo afduub u qabsadey dad ka dukaameysanayey Walmart, gobolka Taxes ee dalka Maraykanka


ADVERTISEMENTS
Nin hubeysan ayaa gudaha u galay dukaanka weyn ee Walmert oo ku yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texes dalka Maraykanka.


Warbaahinta gudaha ee gobolka Texes ayaa sheegaysa in ninka afduubka dadka ku qabsadey uu ahaa Soomaali waxaana uu dalabanyey in qaxooti ahaan loo qaabilo taas oo uusan horey u helin.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran SWAT Team ayaa goobta soo gaarey, waxaana u suurta gashey in ay dilaan ninka hubeysan, ee dadka afduubka u qabsadey sida lagu eedeeyey.

Booliska Magaalada Amarillo ayaa bartooda Twitter ku sheegay in dadkii la afduubtey ay bed qabaan lana diley qofkii afduubtey.

Boolisku waxay shegeen in baariton dheeraad ah uu socdo, ma aysan sheegin magaca qofka iyo da’iisa marka laga reebo warbaahinta oo ku sheegtey in uu yahay Soomaali.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Nin Soomaali ah oo afduub u qabsadey dad ka dukaameysanayey Walmart, gobolka Taxes ee dalka Maraykanka
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-15T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Nin Soomaali ah oo afduub u qabsadey dad ka dukaameysanayey Walmart, gobolka Taxes ee dalka Maraykanka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments