Maxaa Ka Jira Inay Isku Dhacsan Yihiin Labada Gabdhood Atariisho Alia Bhatt Iyo Director Rajshree Ojha?

Maxaa Ka Jira Inay Isku Dhacsan Yihiin Labada Gabdhood Atariisho Alia Bhatt Iyo Director Rajshree Ojha?


ADVERTISEMENTS
Warar xan ah oo si weyn isku soo tarayey ayaa sheegayey inay Alia Bhatt ku gacan seyrtay inay la shaqeyso gabadha agaasinka aflaanta Bollywood caanka ku ah ee Director Rajshree Ojha taasoo laheyd filimkii Aisha (2010).

Alia Bhatt ayaa la qorsheynaayey inay noqon doonto atariishada koowaad ee filimka Pargaash kaasoo ay agaasinkiisa leedahay Rajshree Ojha. Balse waxaa Isbuucyadii ugu dambeeyey soo baxayey warar sheegaya inay iska diiday filimkaan.

Hase yeeshee, wararkaas xanta ah waxaa haatan beeniyey ilo ku dhow atariishada dhallintayar ee Bolywood Alia Bhatt, oo 23 sanno jir ah. Balse wararku waxay haatan sheegayaan in aysan Alia markii h--eba saxiixin filimkaan.

Shaqsigaan aan la magac dhabin ayaa yiri: “Alia Bhatt marnaba ma aysan saxiixin filimkaan, sidaas darteed maxaa keeni kara inuu khilaaf dhexmaro iyada iyo Director Rajshree Ojha oo ay isaga baxdo mashruucaan”… Sidaas darteed wararkaan xanta ah ayaa haatan halkaan ku hakan doona.


Dhanka shaqada, Alia filimkeeda xigga wuxuu noqon doonaa Badrinath Ki Dulhania oo ay la hogaamin doonto Varun Dhawan. Filimkaan ayaana waxaa la daawan doonaa 10ka bisha May ee sannadkaan 2017ka.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Maxaa Ka Jira Inay Isku Dhacsan Yihiin Labada Gabdhood Atariisho Alia Bhatt Iyo Director Rajshree Ojha?
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-13T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxaa Ka Jira Inay Isku Dhacsan Yihiin Labada Gabdhood Atariisho Alia Bhatt Iyo Director Rajshree Ojha?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments