Madaxweynihii hore ee Gambiya Yahya Jammeh oo la sheegay inuu 11 milyan oo doolar la cararay

Madaxweynihii hore ee Gambiya Yahya Jammeh oo la sheegay inuu 11 milyan oo doolar la cararay


ADVERTISEMENTS
Xogmaal Media: Madaxweynihii laga adkaaday ee dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa la sheegay inuu lacag dhan 11 milyan oo doolar ka qaatay dalka markii uu sii baxayey.

Lacagta lagu eedeynayo Yahya oo la sheegay inay isugu jirtay baabuurta raaxada ee qaaliga ah iyo lacag kaasha ah ayaa la sheegay inuu saartay diyaarad laga leeyahay dalka Chad.

Madaxweyne Yahya Jammeh oo dalka Gambia xukumayey 22 sanno ee lasoo dhaafay ayaa waxaa doorashadii ugu dambaysay ka adkaaday Adama Barrow oo ahaa hogaamiyihii mucaaradka ugu weyn dalka Gambia.

Jammeh ayaa isku dayey inuu xilka kusii madax adeygo balse waxaa arinta soo galay wadamada derriska la ah Gambia oo ugu baaqay madaxweyne Jammeh inuu xilka si rabshad la’aan ah ku wareejiyo.

Hanjabaado iyo soo jeedin uga timid madaxda dalal afrikaan ah ayaa ku kaliftay in madaxweyne Jammeh isaga dhaqaajiyo dalka Gambia.




Dowladda cusub ee Gambia ayaa sheegtay inay khuburo u saarayso arimaha la xiriira lacagta la sheegay inuu madaxweynihii hore ee Gambia Yahya Jammeh la cararay.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynihii hore ee Gambiya Yahya Jammeh oo la sheegay inuu 11 milyan oo doolar la cararay
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-23T18:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynihii hore ee Gambiya Yahya Jammeh oo la sheegay inuu 11 milyan oo doolar la cararay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 PM and have 0 comments