Kacsi la’aanta nin iyo naag

Kacsi la’aanta nin iyo naag


ADVERTISEMENTS
Kacsi la’aan kutimaada ragga waxaa loo yaqaanaa Erectile dysfunction , xaaladaan waxay timaadaa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, xaaladaan ma ahan mid caadi ah iney dhacdo xataa ninka hadu jiro da’ yar am mid weyn, weyna ka duwantahay xaalada kale ee cilad ku keena galmada, sida damac la’aanta galmada, ama ciladaha saameeya biya bixida raga.

Ma wax caadi ah baa iney cilad ku timaado kacsiga ninka ragga?

Xaaladaan ayaa si joogta ah ugu dhacda 5% ragga jira 50 sano, 15% ilaa 20% waxay ku dhacdaa ragga jira 65 sano iyo ka badan. Laakin ragga oo dhan waxay dareemaan Kacsi la’aan xili yar soo ifbaxda mararka qaar, laakin waa kacsi la’aan jirta mudda gaaban, waxaana sababa daal badan, wal wal badan iyo cabidda khamriga.
Kacsi la’aan ka yar 20% uma baahna wax daawa ah inta badan, hasayeeshee hadii ay ka badato 50% waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad oo ubaahan in wax laga qabto.
Sababaha kacsi la’aanta

Si ninka ragga ah uu uhelo kacsi ku haboon galmada waxaa loo baahan yahay:


In neerfaha guska ay si wanaagsan ushaqeynayaan
In dhiig ku filan uu gaaro wareega dhiiga ee guska
In xididada dhiiga ay kuhayn karaan dhiig gudada guska
In ay jirto dareen kacsi ee ka yimaado maskaxda

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Kacsi la’aanta nin iyo naag
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-21T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kacsi la’aanta nin iyo naag



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments