Haweeney qabta HIV/AIDs, 3-nina guursatay oo lagu qabtay Puntland

Haweeney qabta HIV/AIDs, 3-nina guursatay oo lagu qabtay Puntland


ADVERTISEMENTS
Puntland ayaa shaacisay in shaacisay iney gacanta ku dhigtay dad faafinayay Cudurka dilaaga ee HIV/AIDs,kuwaasi oo la qabtay xilli ay soo kordheysay halistooda.

Agaasimaha Hay’adda la dagaalanka Cudurka Aids-ka ee Puntland oo Garowe warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kala yihiin Qof dumar ah iyo ragg deegaanada Puntland ku faafinayay Cudurka AIDs-ka,kuwaasi oo hada gacanta lagu hayo.

Dadkaan gacanta lagu dhigay ayaa la ogaaday iney HIV qabaan ka dib baaris lagu sameeyay sida uu sheegay madaxda Hay’ada PAC.


Dalka Soomaaliya ayaa hadda la sheegayaa iney ku soo badanayaan dadka qaba Cudurka HIV/AIDs,kuwaasi oo la sheegay iney ka soo qaadeen dalalka deriska ah.

Dr. Cabdiraxmaan Dhagaweyne ayaa wacad ku maray in cadaalada la horkeeni doono dadka ku kacay falkaan, wuxuuna Hay’addaha Garsoorka ugu baaqay inay sharciga mariyaan dadka falkaan ku kacay, si ay jawaab ugu noqoto cid walba oo ku haminaysa bulshada ku dhex faafiso cudurkaan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah Haweeney seddex nin guursatay iyadoo qabta Cudurka AIDs-ka.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Haweeney qabta HIV/AIDs, 3-nina guursatay oo lagu qabtay Puntland
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-04T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Haweeney qabta HIV/AIDs, 3-nina guursatay oo lagu qabtay Puntland



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:00 AM and have 0 comments