Daryeelka uurka

Daryeelka uurka


ADVERTISEMENTS
Daryeelka uurka wuxuu isugu jiraa daryeelka dhalmada ka hor iyo daryeelka dhalmada kedib.

Waa daweynta iyo taba baridda si loo xaqiijiyo caafimaad buuxa inuu jiro uurka ka hor, xiliga uurka, xiliga foosha iyo dhamalda kedib, si kor loogu qaado caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Daryeelka dhalmada ka hor

Daryeelkaan wuxuu caawinayaa sidi lagu yareyn lahaa halista ku soo wajahan uurka iyo sida kor loogu qaadi lahaa furasadaha dhalmo caafimaad qabta. Booqashada dhaqtarka si hooyadu ay u hesho daryeel waxey caawineysaa sida uurka looga warqabi lahaa iyo garashada dhibaatoyinka inta aysan uurka ama hooyadu ku noqon khatar caafimaad.


Ilmaha ay dhalaan hooyooyinka aan helin daryeelka dhalmada kahor waxey saddex jibaar unugul yihiin iney ku dhashaan miisaan ka yar inti laga rabay. Dhalaanka ku dhasha miisaanka yar waxey shan jibaar fursad u leeyihiin iney saqiiraan.

Daryeelka uur qaadista ka hor waxaa laga rabaa inuu bilowdo xiliga aad rabootid in aad uur qaadid. Dabeecadaha caafimaad ee la raaco xiligaas waxaa ka mid ah:

In hooyadu ay joojiso sigaarka waa hadii ay cabto
Qaadashada kaabayaasha folic acid iyo multivitamin
La tashiga dhaqtar oo lagala tashto xaaladaha caafimaad ay hooyadu qabto, cunnooyinka wanaagsan iyo dawooyinka ay isticmaali karto oo aan u baahneyn dhaqtar inuu qoro.
Ka fogaanshan kiimikooyinka oo idil oo ay kamid yihiin kuwa lagu isticmaalo guryaha.
Daryeelka inta lagu guda jiro uurka

Mar hadii ay hooyadu qaado uur, waxaa muhiim ah iney balan u qabsato xirfadlayaasha caafimaad sida, dhaqtar, kalkaaliso/kalkaaliye iyo umuliso.

Balanta waxay noqon kartaa inaad dhaqtar la kulantid:

Bil kasta lixda bil ee ugu horeysa uurka
Labadi todobaad kasta bisha todobaad iyo sideedaad ee uurka
Iyo todobaad kasta bisha sagaalaad ee uurka
Inta aad ku guda jirtid booqashada, dhaqtarka wuxuu eegayaa caafimaadkaaga iyo kan uurjiifka, waxaana ka mid ah:

Qaadista baaritaano taxane ah, sida dhiiga oo laga fiiriyo dhiigyari, nooca dhiiga iyo HIV.
Fiirinta cadaadiska dhiigaaga
Fiirinta inta miisaan ee kugu kortay uurka
Fiirinta korriimada uurjiifka iyo garaaca wadnahiisa
Talada cunnooyinka iyo jimicsiga u wanaagsan uurka
Booqashoyinka dambe waxaa ku jira fiirinta booska uurjiifka iyo diiwaan gelinta isbedelada ka dhacaya jirkaaga.

Dhaqtarkaaga wuxuu kuu soo bandhigi karaa inuu ku siiyo casharo quseeya marxaladaha kala duwan ee uurka. Casharadaas waxay kuu sharxayaan:

Waxa inta badan dhaca waqtiga aad tahay xaamilo
Sida aad ugu diyaar garoobi laheyd dhalmo
Barashada xirfahada kuu sahla sida aad u daryeeli laheyd dhalaankaaga
Hadii uurkaaga lala xiriiriyo halis, sababtuna ay tahay da’daada ama xaalado caafimaad, waxaad u baahan tahay inaad joogteysid booqashada dhaqtarka.

Daryeelka dhalmada kedib

In kastoo dadka inta badan ay xooga saaraan daryeelka dhalmada ka hor, waxaa sidoo kale muhiimad mug weyn leh ah daryeelka dhalmada kedib. Xiliga dhalmada kedib waxaa inta u dhaxeysa dhalmada ilaa 6 todobaad dhalmada kedib.

Inta lagu guda jiro waqtigaan hooyadu waxey mareysaa isbedel xaga jirka iyo dareenka ah, is lamarkaasna waxey baraneysaa sidi ay u daryeeli lahyd dhallaankeeda. Daryeelka dhalmada kedib wuxuu isugu jiraa nasiino sax ah, nafaqeyn iyo daryeelka xubinta galmada ee hooyada

Helidda nasiino kugu filan

Nasiinada waa shay muhiim u ah hooyooyinka dhalay, sababtoo ah waxey u baahan yihiin iney soo kabsato awoodooda jir ahaaneed, si ay uga fogaadaan iney daalaan waxaa looga bahan yahay hooyadu iney:

Hurudo marka uu dhallaankeedu hurdo
In ay dhallaankeedu u dhawdahay xiliga habeenki, si ay u quudiso dhallaanka
Iney hesho qof dhallaanka u quudiya marka ay jiifto
Helidda nafaqo wanaagsan

In hooyadu ay hesho nafaqo wanaagsan waxey ka saacideyneysaa in jirkeedu uu kasoo kabto isbedelladi ku dhacay xillaga ay uurka laheyd. Waxaa looga baahan yahay hooyada iney cunteyso mar kasta oo ay dareento gaajo, ayadoo quudaneysa cunnooyinka wanaagsan, waxaa sidoo kale hooyada laga rabaa:

Iney ka fogaato macmacaanka iyo dufanka badan
Iney cunto borotiin badan
Iney cabto biyo ku filan jirkeeda
Daryeelka xubunta galmada

Hooyooyinka cusub waxaa looga rabaa iney ogaadaan daryeelka xubinta galmada iney tahay asaaska daryeelka dhalmada kedib. Waxaa macquul ah in ay hooyadu dareento :

Bararka xubintaas waa hadii dillaac uu ka soo gaaray dhalmada
Dhibaatooyin xaga kaadida ah
Dhacaan ka yimaado oo ay la socdaan xinjiro
Calool majiir
Hadii la dillaaciyay xiliga dhalmada, hooyada waxaa u wanaagsan iney biyo diiran ku shubto milix/cusbo oo ay ku fariisato si ay xubinta galmada ah si dhaqso u bogsato.

Hooyooyinka cusub waxaa laga rabaa ineysan sameyn wax galmo ah lixda todobaad ee ugu horeysa dhalmada kedib.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Daryeelka uurka
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-22T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daryeelka uurka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments