Waagacusub: [Topnews] Akhri dacwad laga gudbiyay Faarax Topaz kursigii uu boobay iyo fadeexad hareeysay

Waagacusub: [Topnews] Akhri dacwad laga gudbiyay Faarax Topaz kursigii uu boobay iyo fadeexad hareeysay


ADVERTISEMENTS
Siyaasigga la rumeeysan yahay inuu ka tirsan yahay Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia ee lagu magacaabo Faarax Cabduqadir ayaa kursigiisa safka hore looga deray Xildhibaanadda beesha Caalamka diideen ee lagu qaatay boobka iyo been abuurka. Musharaxii la tartamaayay Faarax Topaz oo ah Amiirka ama Kaadirka Damujadiid ayaa lacagtii dacwad furashadda ee kunka dollar ku shubay koontadda Dahabshiil sida ku cad Raset-ka lacagta ee Warbaahinta Waagacusub heshay.kaas oo ay ku qoran tahay in Osman Ahmed lacagtaas u diray guddigga khilaafaadka.


Falkii ugu yaabka badnaay ayaa ka dhacay Jowhar kadib markii siyaasigga Faarax Cabduqadir uu geeyay dad u dhashay beesha Bandhaboow ee Reer Xamar kuwaas oo laga kaxeeyay degaanka Jilib Marko. 
Ergadda u dhalatay beesha Bandhaboow ee Jilib Marko laga kaxeeyay oo lagu qiyaasay 41 xubnood ayuu Faarax Cabduqadir qofkasta siiyay min shan kun oo dollar.
Nabadoonka ergadda Bandhaboow waday oo lagu magacaabo Jamaal Abooki Shariif ayaa yiri " Faarax Cabduqadir waxaas waayey 51 qof oo beesha Reer Aw Xasan u dhashtay sidaas ayaan ugu sameeynay ixsaan oo kisteena ka qaadanay , anakka ma kaseeyn laakiin Fahmo Axmed Nur ayaa noo keentay ,geberteena sidaas darteed odayaasha Bandhaboow waxaan ka codsanayaa iney iga raali noqdaan”
Jamaal Abooki Shariif wuxuu ka mid yahay 8 Oday dhaqameed ee Bandhaboow. wuxuuna u dhashay Lafta Axmed Nuur .
Jamaal waa Oday dhaqameed caana oo laga wada yaqaan Degmadda Xamarweyne waxeeyna dad badan la yaabeen markii lagu arkay Jowhar laakiin isweeydiintu waxeey tahay "Yaa u codeeyn doono Fahmo Axmed Nur” ?

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waagacusub: [Topnews] Akhri dacwad laga gudbiyay Faarax Topaz kursigii uu boobay iyo fadeexad hareeysay
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-12T18:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waagacusub: [Topnews] Akhri dacwad laga gudbiyay Faarax Topaz kursigii uu boobay iyo fadeexad hareeysay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 PM and have 0 comments