Maxay Sunny Leone Ka Tiri Inay 4 CRORE Ku Qaadan Doonto Ku Ciyaarista Heesta Laila Main Laila Ee Filimka Raees?

Maxay Sunny Leone Ka Tiri Inay 4 CRORE Ku Qaadan Doonto Ku Ciyaarista Heesta Laila Main Laila Ee Filimka Raees?


ADVERTISEMENTS
Atariishada lagu magacaabo Sunny Leone ayaa beenisay wararka sheegaya in loo soo bandhigay qiimo lacageed dhan 4 CRORE si ay heesta Laila main Laila ee ku jirta filimka Raees ee uu hogaamiyaha ka yahay Shah Rukh Khan ay ugu ciyaarto xaflad la dhigi doono Sannadka Cusub 2017ka.

Sunny Leone ayaa daaha ka qaaday inay noqon laheyd shaqsiga ugu farxadda badan adduunka haddii ay xaqiiqo ahaan lahaayeen wararkaan sheegaya inay keliya ku ciyaarista heestaan ku qaadaneyso qiimo lacageed dhan 4 CRORE oo lacagta India ah.

Waxay Sunny u sheegtay shabakadda IANS: “Waxaan rajeynayaa inay wararkaani xaqiiq noqdaan. Waxaan noqon lahaa shaqsiga ugu farxadda badan adduunka haddii aan Rs 4 crore ku heli lahaa ku ciyaarista heestaan iyo xaflad ka dheceysa Mumbai.

“Waxaan rajeynayaa inay wararkaani xaqiiqo noqdaan, laakiin nasiib darro wararkaani ma ahan kuwo xaqiiqo ah.”


Markii hore heesta Laila main Laila waxaa lagu soo bandhigay filimkii Qurbani ee la daawaday sannadkii 1980dii, laakiin markaas magaceedu wuxuu ahaa Laila ho Laila. Markii uu soo baxay goosgooska filimka Raees, Sunny waxaa lagu ammaanay wacdaraheeda heestaan.


ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Maxay Sunny Leone Ka Tiri Inay 4 CRORE Ku Qaadan Doonto Ku Ciyaarista Heesta Laila Main Laila Ee Filimka Raees?
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-24T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxay Sunny Leone Ka Tiri Inay 4 CRORE Ku Qaadan Doonto Ku Ciyaarista Heesta Laila Main Laila Ee Filimka Raees?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments