Gurigii uu ku dhashay Hitler oo lala wareegayo iyo Sababta ka Dambeysa (Daawo Sawirada)

Gurigii uu ku dhashay Hitler oo lala wareegayo iyo Sababta ka Dambeysa (Daawo Sawirada)


ADVERTISEMENTS
Baarlamaanka Austria ayaa meelmariyay sharci ogolaanaya in ay dawladdu la wareegto gurigii uu ku dhashay Adolf Hitler sanadkii 1889, arrintaas oo sanado badan muran ka taagnaa.

Gerlinde Pommer oo ah mulkiilaha guriga ayaa si joogto ah u diidi jirtay in ay iibiso gurigan ku yaalla magaalada Braunau am Inn, waxaa kale oo ay diiday in guriga la dayactiro.

Gerlinde waxaa hadda la siin doonaa magdhaw, laakiin waxaan ilaaa iyo hadda cadayn waxa ay dawladdu ku samayn doonto gurihan.


Xukuumaddu waxay uga gol leedahay arrintan in ay hor istaagto in uu noqdo meel soo jiidata oo ay booqdaan dadka taageersan aragtidii Naziga.

Go'aankan baarlamaaanku wuxuu soo afjarayaa muran soo jiitamay oo u dhaxeeyay dawladda iyo Gerlinde oo hadda hawl gab noqotay.

Sanado badan ayay dawladdu siinaysa Gerlinde lacag aad u badan oo kiro ah si ay uga hortagto in dadka Nazi-ga taagersan ay dalxiis u yimaadaan guriga.

Mustaqbalka gurigan ayaa aad looga dooday iyada oo dadku u qayb sameen kuwo doonaya in la burburiyo iyo qaar kale oo raba in la badalo waxa lagu isticmaalo.

Dad uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Wolfgang Sobotka ayaa sheegay in ay doonayaan in guriga dhulka lala simo.

Guddi taariikhyanno ah oo la waydiistay in ay talo ka dhiibtaan arrintan ayaa sheegay in burburinta gurigan ay la mid noqonayso diididda taariikhdii hore ee Naziga Austria.

Tiro ka mid ah ururarada dhaqanka ayaa ku adkaystay in dhismahani uu qayb ka yahay qaybta taariikhiga ah ee bartamaha magaaladaas ayna tahay hiddo iyo dhaxal aadane.

Hitler wuxuu ku dhashay qol kiro ah oo ku yaalla dabaqa sare ee dhismahan oo ku yaalla meel u dhaw xadka Austria iyo Jermalka taariikhdu markay ahayd 20-04-1889.


Markii uu Nazi-gu talada hayay gurigan waxaa laga dhigay meel lagu maamuuso Hitler maadaama ay magaalada buux dhaafiyeen dad dalxiiseyaal ah.

Balse waxaa albaabada loo laabay 1944, markaas oo uu sii liicayay maamulkii Nazi-gu.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in gurigu uu wali soo jiito dadka taageersan Nidaamkii Nazi-ga kuwaas oo soo booqda magaalada Braunau am Inn, inkastoo maamulka magaaladaasi ay isku dayaan in ay ka hortagaan arrintaa.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Gurigii uu ku dhashay Hitler oo lala wareegayo iyo Sababta ka Dambeysa (Daawo Sawirada)
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-16T03:14:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gurigii uu ku dhashay Hitler oo lala wareegayo iyo Sababta ka Dambeysa (Daawo Sawirada)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:14 AM and have 0 comments