Dowladda Somaliya oo ganaaxday markab si sharcidaro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somaliya

Dowladda Somaliya oo ganaaxday markab si sharcidaro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somaliya


ADVERTISEMENTS
Dowladda Somaliya ayaa ku guuleysatay in ganaax lacageed la dul dhigo Markab si sharci darro uga kalluumeysanayay Badda Somaliya.

Markabka Greko One oo waday shixnad Kalluun ah oo culeyskiisa dhan yahay 30-tan ayaa lagu sii heyn doonaa Dekedda magaaladda Mombasa ee dalka Kenya, ilaa iyo inta laga bixinayo Lacagta ganaaxa.

Markabka Greko One oo si sharci daro ah uga kalluumeysanayay Badda Somaliya ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 65,000 oo Dollar.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Somaliya ayaa lagu wareejin doonaa lacagta lagu ganaaxay Markabkan sida sharci darada ah uga kalluumeysanayay Badda Somaliya.


Dhinaca kalena Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya, Ambassador Stephen Schwartz ayaa bogaadiyay Iskaashiga ay Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ka yeesheen sidii tallaabo looga qaadi lahaa Markabka Kalluumeysiga ee lagu qabtay Badda Soomaaliya.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dowladda Somaliya oo ganaaxday markab si sharcidaro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somaliya
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-01T18:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Somaliya oo ganaaxday markab si sharcidaro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somaliya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:00 PM and have 0 comments