Celine Dion: Waligey ma dhunkan nin kale oo anaan ninkeyga aheyn.

Celine Dion: Waligey ma dhunkan nin kale oo anaan ninkeyga aheyn.


ADVERTISEMENTS
Fanaanada codka macaan ee u dhalatay Kanada ee Celine Dion ayaa waxey shaacisay in aysan waligeed dhunkan nin aanan ninkeeda aheyn. 

Celine Dion oo 48 jir ah oo caan ku aheyd heestii My Heart will go on ee filinkii Titanic ayaa ka sheekeyneysay xeriirka jaceyl iyo guurka mudada dheer ka dhaxeeyay iyada iyo ninkeeda Rene Angelil oo 73 ahaa kaas  oo ka geeriyooday sanadkan. 


Waxey Celine Dion iyo ninkeeda ay ifka u jecleed Rene ay kulmeen iyadoo 19 jir ah halka uu isna xiligaas 45 jir ahaa deetana  markii ay muddo wada socdeen kadib sanadkii 1990 ay is  guursadeen ayadoo Celine Dion ay shaqsi kale la sameyn xiriir Jaceyl. 

Rene oo isagu lahaa xaas hore ay ka tageen waxuuna hore u dhalay 3 caruur ah balse markii ay is guursadeen Celine Dion waxey iyana isku dhaleen 3 caruur ah oo kala ah wiilkeeda rene Charles oo 15 jir ah iyo mataanaha Nelson iyo Edy. 

Celine Dion ayaa kadib markuu sanadkii hore odayga ka geeriyooday fanka ka fariisatay muddo sanad ah, balse haatan way kusoo laabatay waxaana ay ku nooshahay dalka mareykanka iyadoo iska iibisay aqallkii ay wada degenaayeen iyada iyo ninkeeda iyo caruurteeda maadaama uu ninkeedi lka geeriyoday. 

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Celine Dion: Waligey ma dhunkan nin kale oo anaan ninkeyga aheyn.
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-12T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Celine Dion: Waligey ma dhunkan nin kale oo anaan ninkeyga aheyn.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 AM and have 0 comments