Booliska Canada oo sheegay Gabdho Somali walaalo ahaa oo dalkaasi lagu dilay walaalkood inuu ka dambeeyay dilkooda

Booliska Canada oo sheegay Gabdho Somali walaalo ahaa oo dalkaasi lagu dilay walaalkood inuu ka dambeeyay dilkooda


ADVERTISEMENTS
Iyadoo labo gabdhood oo walaalo ah lagu dilay Magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa dilka Gabdhahaasi  waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Wiil la dhashay.

Ka dib Baaritaano dheer oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska dalka Canada ayaa waxa ay ku soo xaqiijiyeen in labada Gabdhood uu dilay Walaalkood.


Ciidanka Booliska ayaa sheegay Markii uu dilkaasi dhacay wax yar ka dib in la qabtay Muscab Cabdiraxmaan oo la dhashay labada gabdhood ee la dilay oo la kala oran jiray Nasiibo Cabdiraxmaan iyo sidoo kale Asmo Cabdiraxmaan.

Waxa ay sheegeen in uu guriga kasoo baxay ,isagoo  oo ay ku yaallan Astaamo muujinaya in uu wax dilay.

Ciidanka Booliska ayaa waxa ay sheegeen in Muscab uu diiday in uu maxkamada horyimaado ,islamarkaana xeerbeegtida ay kusoo oogeen in uu ka dambeeyeen dilka.

Muscab Cabdiraxmaan ayaa la sheegaya in uu qabay cudurka dhimirka

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Booliska Canada oo sheegay Gabdho Somali walaalo ahaa oo dalkaasi lagu dilay walaalkood inuu ka dambeeyay dilkooda
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-20T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Booliska Canada oo sheegay Gabdho Somali walaalo ahaa oo dalkaasi lagu dilay walaalkood inuu ka dambeeyay dilkooda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments