Trump: Meesha kama wada saarayo Obamacare

Trump: Meesha kama wada saarayo Obamacare


ADVERTISEMENTS
Ninka loo doortay madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay in ay u furan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijka caafimaadka ee uu sameeyay madaxweyne Obama.

Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeeyay in uu meesha ka saari doono barnaamijka madaxweyne Obama ee ku aaddan in shacabka Maraykanka ay helaan adeeg caafimaad oo qiimo ahaan ay awooddaan.


Waxa uu mar hore sheegay in barnaamijkaasi oo loo yaqaano ObamaCare uu yahay mid musiibo ah, fekerkaasi oo ay la qabaan madaxda xisbiga Jamhuuriga.
Balse madaxweynaha la doortay ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Wall Street Journal waxa uu ku sheegay, in ay su badan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijkaasi, oo uu ku tilmaamay mid uu "aad u jecel yahay."
Mr Trump ayaa hadda u muuqda mid ka laabtay dhowr ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii uu ololeynayay.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Trump: Meesha kama wada saarayo Obamacare
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-12T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Trump: Meesha kama wada saarayo Obamacare



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments