Shabaab oo deegaanka Kuunyabarow ku soo bandhigay gaari Cabdi Bile ah iyo labo Askari oo Millateriga ka tirsan (SAWIRRO)

Shabaab oo deegaanka Kuunyabarow ku soo bandhigay gaari Cabdi Bile ah iyo labo Askari oo Millateriga ka tirsan (SAWIRRO)


ADVERTISEMENTS
Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo deegaanka Kuunyabarow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay ku soo bandhigeen gaari dagaal iyo Askar Dowladda ka soo goosatay. 

Labo Askari oo ciidamada Xooga ka tirsan ayaa la sheegay inay gaarigaan kala goosteen Degmada Baraawe, kadibna ay isku dhiibeen ciidamada Al Shabaab. 

Gaariga Shabaabka ay soo bandhigeen oo ahaa Cabdi Bile, ayaa waxaa saarnaa Qori Dhashiike ah, sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay Qoryaha BKM iyo RBG iyo AK-47. 

Labada Askari ayaa madasha ka sheegay sababta ay uga soo goosteen dhanka Dowladda inay tahay kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan sida ay sheegteen Askartaasi. 






Al Shabaab ayaa gaadiid dagaal iyo Askar dhanka Dowladda ka goosata xilliyada qaar waxa ay ku soo bandhigaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka. 

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Shabaab oo deegaanka Kuunyabarow ku soo bandhigay gaari Cabdi Bile ah iyo labo Askari oo Millateriga ka tirsan (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-30T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Shabaab oo deegaanka Kuunyabarow ku soo bandhigay gaari Cabdi Bile ah iyo labo Askari oo Millateriga ka tirsan (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments