Nin U Furay Xaaskiisii Si Uu U Guursaday Hooyaded

Nin U Furay Xaaskiisii Si Uu U Guursaday Hooyaded


ADVERTISEMENTS
Nin u dhashay wadanka India ayaa jaceyl u qaaday sodohdii taas oo keentay inuu furo xaaskiisa.

Suraj Mahto oo 22 jir ah ayaa qabsaday ciwaanada jornaalada kadib markii uu furay xaaskiisa Lalita isagoo guursaday gabadha hooyadeed oo 42 jir ah taas oo lagu magacaabo Asha Devi.



Hasawaaha Mrs Devi ay la sameysay wiilka gabadheeda qabay ayaa bilaawday markii ay timid xaafada Puraini ee oo ka tirsan maamul goboleedka Bihar sanadkii lasoo dhaafay halkaas oo ay ku wada noolayeen gabadheeda iyo wiilka qaba.

Waxaa ay u timid halkaas iney soo fiiriso wiilka gabadheeda qaba Suraj Mahto kaas oo xanuunsaday balse markii ay ku laabatay gobalkeeda waxaa la sheegay iney bilaabeen iney saacado badan mar walba taleefoon ku wada hadlaan sidoo kale booqasho ayey markale ku timid guriga.

Lalita ayaa ka shakisay hooyadeed iyadoo u sheegtay iney yareyso imaantinka gurigeeda laakiin waa diiday xitaa waxa ay ku dacweysay aabaheed oo ka shaqeysa warshad ku taala magaaladda Delhi isna waxba kama qaban.

Nasiib daro mudo xiriirkii socday ayaa isku badalay guur kaas oo ka dhacay deegaanka Dhamdaha, waxaa la furay Lalita laakiin Suraj Mahto iyo Asha Devi waxaa ay labaduba darensan yihiin halista arintan.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Nin U Furay Xaaskiisii Si Uu U Guursaday Hooyaded
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-23T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Nin U Furay Xaaskiisii Si Uu U Guursaday Hooyaded



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments