Dowladda Itoobiya oo Walaac ka Muujisay Hubka Faraha Badan ee kusii Qul qulaya Deegaanada Kacdoon wadayaasha Oromada & Hubka Oo ka Imanaya…

Dowladda Itoobiya oo Walaac ka Muujisay Hubka Faraha Badan ee kusii Qul qulaya Deegaanada Kacdoon wadayaasha Oromada & Hubka Oo ka Imanaya…


ADVERTISEMENTS
 Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka Hubaysan ee Xabashidu ay Hub iyo Rasaas tira badan gaadhsiiyeen kooxaha kacdoon wadayaasha Oromada, arinkaas oo walaac badan ku abuurtay dowladda Itoobiya oo la dhibaatooneysa sidii ay u qaboojin lahayd kacdoonka Oromada ee marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

Sargaal sare oo katirsan ciidamada amaanka Itoobiya oo lahadlay warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in markii sadexaad ay Jabhadaha Hubaysan ee Axmaaradu Hub iyo rasaas kala duwan gaadhsiiyeen meelo kamida dhulka Oromada, gaar ahaan meelaha uu kasocdo kacdoonku oo uu cadeeyay inay lasocdaan.

Sargaalka ayaa sheegay iney Shawa kuqabteen Hub badan oo laga keenay dhinaca Gonder waxaana uu sheegay in Hubkaasi lala qabtay 2-nin, kuwaasi oo sida uu sheegay haatan ay baadhisi kusocoto.

Nin kani lahadlay warbaahinta ayaa intaasi kudaray inay hayaan xogo kala duwan oo laxidhiidha Hub iyo rasaas dhulka Oromada looga soo daabulayo dhinaca dhulka Axmaarada oo uu sheegay inay kusii badanayaan kooxaha argagixisada ah sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Itoobiya oo Walaac ka Muujisay Hubka Faraha Badan ee kusii Qul qulaya Deegaanada Kacdoon wadayaasha Oromada & Hubka Oo ka Imanaya…

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dowladda Itoobiya oo Walaac ka Muujisay Hubka Faraha Badan ee kusii Qul qulaya Deegaanada Kacdoon wadayaasha Oromada & Hubka Oo ka Imanaya…
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-03T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Itoobiya oo Walaac ka Muujisay Hubka Faraha Badan ee kusii Qul qulaya Deegaanada Kacdoon wadayaasha Oromada & Hubka Oo ka Imanaya…



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments