Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya

Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya


ADVERTISEMENTS
Telefashinka dawladda Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ay weerar ka gaysteen galbeedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.


Labo gantaal ayaa lagu bartilmaameedsaday agagaarka Al Saboura oo dhacda wadada wayn ee dalka Suuriya ku xirta xadka Lubnaan.
Ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay.


Mana cadda ujeedada laga lahaa weerarka, ilaa iyo haddana Israa'iil kama aysan hadlin weerarkan.


Laakiin Israa'iil tiro weerarro ah oo dhanka cirka ah ayay ka fulisay gudaha Suuriya sanadihii u dambeeyay, taas oo u muuqatay in ay ka horistaagayeen malayshiyada Xisbullaah in ay hub soo galiyaan Suuriya.

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-30T21:01:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:01 PM and have 0 comments