Warbixin: Jariirada Tuttosport Oo Soo Saartay 20ka Daafac Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Laakiin Laurent Koscielny Kuma Jiro.

Warbixin: Jariirada Tuttosport Oo Soo Saartay 20ka Daafac Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Laakiin Laurent Koscielny Kuma Jiro.


ADVERTISEMENTS
Jariirada Talyaaniga ee Tuttosport ayaa soo saartay 20ka daafac ee ugu qiimaha badan dunida kubada cagta, waxaana ku jira xiddigo waa weyn oo ka ciyaaraya Italy, Spain iyo Premier League.

Laakiin 20kaan daafac ee ugu qiimaha badan dunida waxaa boos looga waayay daafaca Arsenal Laurent Koscielny. Malaha da’diisa ayaa qeyb ka ciyaartay go’aanka Tuttosport iyadoo daafaca Faransiiska uu 31 sanno jir yahay, sidaasi oo ay tahayse taasi kama celinin inay Thiago Silva iyo Giorgio Chiellini ku soo dareen liiskooda iyadoo labada daafac ay yihiin 32 sanno jir.

leonardo-bonucci-italy_1bwbvmpfw5jka16z852yk76wqo

Daafaca ugu qaalisan dunida waa daafaca aadka loo doonayo ee Juventus Leanardo Bonucci oo ay ku qiimeysay Tuttosport 70 milyan euro. Waxaa ku xiga oo ku qiimo ah daafaca Bayern Munich Jerome Boateng kaasoo ay isna ku qiimeeyeen 70 milyan euro halka kaalinta 3aad uu soo buuxiyay Sergio Ramos iyadoo daafaca Real Madrid lagu qiimeeyay 65 milyan euro.

Tuttosport ayaa seddex ciyaartoy oo Juventus ku soo dartay liiskeeda iyo shan daafac oo ka ciyaarta Premier League. Liiska 20ka daafac ee ugu qiimaha badan halkaan hoos kala soco.

Nikola Maksimovic | Napoli | €25m
Eric Bailly | Manchester United €30m
Nicolas Otamendi | Manchester City | €30m
Giorgio Chiellini | Juventus | €30m
Thiago Silva | Paris Saint-Germain | €30m
Daniele Rugani | Juventus | €35m
Diego Godin | Atletico Madrid | €35m
Shkodran Mustafi | Arsenal | €35m
David Luiz | Chelsea | €38m
Alessio Romagnoli | AC Milan | €40m
Mats Hummels | Bayern Munich | €42m
Marquinhos | Paris Saint-Germain | €45m
Kostas Manolas | Roma | €45m
John Stones | Manchester City | €50m
Kalidou Koulibaly | Napoli | €55m
Raphael Varane | Real Madrid | €55m
Gerard Pique | Barcelona | €60m
Sergio Ramos | Real Madrid | €65m
Jerome Boateng | Bayern Munich | €70m
Leonardo Bonucci | Juventus | €70m



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Warbixin: Jariirada Tuttosport Oo Soo Saartay 20ka Daafac Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Laakiin Laurent Koscielny Kuma Jiro.
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-11T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Warbixin: Jariirada Tuttosport Oo Soo Saartay 20ka Daafac Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Laakiin Laurent Koscielny Kuma Jiro.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments