Qorshihii Jaceylkeena Lacagtaa Qasaarisay (Dhacdo Dhab Ah Oo Ku Dhacday Lamaane Soomaaliyeed Qiso Xanuun Badan)

Qorshihii Jaceylkeena Lacagtaa Qasaarisay (Dhacdo Dhab Ah Oo Ku Dhacday Lamaane Soomaaliyeed Qiso Xanuun Badan)


ADVERTISEMENTS

C/raxmaan iyo Faadumo waa laba aad iyo aad isku Jecel inkastoo ey labadooda ka soo jeedana laba  Qoys oo kala duwan dhanka Dhaqaalaha.
Qoyska Faadumo waa Qoys lacag leh , halka Qoyska C/ raxmaana uu qoyska iska Beeraley ah yahay Wax Dhaqaala ahna heysanin.
C/raxmaan aad ayuu u jecelyahay Faadumo, C/ raxmaan mar walba Waxaa uu Faadumo u soo qoraa Warqado Jaceyl halka Faadumana Warqadaha loo soo diro Marki ey aqrisato ey Qolkeeda ku Sharaxato, Warqad walba oo uu C/raxmaan soo qoro Waxaa uu Faaduma u Sheegaa in uuaad u jecelyyahay iyo waxa uu Rabo in Mustaqbalka ey isla wadagaan ama ey garaan qoraladaasna Waxaa ka mid ahaay Sidaan:
(Faadumo waxaan illaahey ka baryaa in labedeena eynu noqono laba is jecel isku waara waligood waxaan illaahey ka baryaa in uu ku dhowro kaana dhowroWax walba oo ku dhibaayo) 
(waxaan illaahey ka baryaa in eynu helno Nolol farxad ey ku dheehantahay ).
Ducooyinkaas iyo Rajooyinkaas C/raxmaan wuxuu ku soo qori jirey Warqadaha uu u soo diro Gacalisadiisa Faaduma
Maalin maalmaha ka mid ah C/raxmaan waxa uu Faadumo usoo qoray Warqadiisii 1001 Warqadaan aad iyo aad ayey uga duwaneyd Warqadihii uu horay u soo diri jiray maxaa yelay Warqadaan waa mid aad iyo aad loo soo xardhay markii aad fiirisidna ku Dareen siineyso in ey Sido Dareen Jeceyl dhab ah erayada Warwada ku Qornaa Waxaa ka mid ah Sida tan:
{Faadumo warqadaan waa warqadii 1001, waqdaan aan kuu soo qoray waxaan rabaa in aan ogaado daacadnimadaada aad u heyso jaceylkeena . Faadumo Waxaan rabaa in aan ku soo doonto labeedanana aan is guursano waxaan ilaahey ka baryaa in labadeena isku Waarno ilaa aan ka noqono ayeeyo iyo awoowe iyo ilaa uu illaahey uu inooga yeero Xagiisa Aamiin Aaamiin}
Kadib markii ey Faadumo aqrisay warqadii uu C/raxman soo diray ayay Faaduma kaga jawaab noqday sida tan:
{C/raxmaan aad iyo aad ayaan ugu farxay hadalada aad ii soo qortay,lkn C/raxmaan aniga waxaan go aansaday in hada aanan wax guur ah aanan sameenin maxaa yeelay waxaan u baahanahay lacag iyo nolol wanaagsan waalidkeygana iima kaa ogolo adigoo faqiir ah hada oo aan wax lacag ah heysan wax walbo aan ku dhaqaaqayana iyagaa uga amar qaataan arintaana wey ka biyo diideen } 
Markii uu C/raxmaan aqriyay Jawaabtii ey u soo Qortay Faadumo aad iyo aad ayuu u niyad jabay si uusan maleyneynin ayey ku Noqotay Waana uu ka Xanaaqay Faadumo asigoo Niyadiisa ka dhahaayo Faadumo waa gabdhaha lacagta ka danbeeya waana uu ka haray Faadumo asigoo kaligiis ciil la ilmeynaayo.
Kadib C/raxmaan waxaa uu bilaabay in uu dadaalo uuna gaaro nolol wanaagsan. Mar walbaba waxa uu soo xasuustaa hadaladii ey ku dhahday Faadumo.
C/raxmaan waxa uu bilaabay in uu u Shaqeeyo Shirkad 2 bil gudiaheeda dadaalkii C/raxmana uu sameyay waxaa laga dhigay Madaxa qeyb ka mid ah Shirkada Hal sana gudaheedana C/raxmaan waxa uu noqday Maamulaha Shirkadaas oo dhan iyadoo anan wax badan ka soo wareeganin C/raxmaan waxa uu iibsaday 50% sahamka Shirkada uu u Shaqeeyo.
Maalin maalmaha ka mid ah C/raxmaan waxa uu aaday Magaalka asigo Wata Babuur qaali ah Waxaana Socday Roob aad u xoog badan asigoo iska Wareegaayo Magaalada ayaa waxa uu Wadada ku arkay Nin iyo Naag oo Roobka dhaxdiisa ku lugeynaayaan C/raxmaan Waa uu ku soo dhawaday asigoo Wata Baabuurkiisa, Ninka iyo Naagta Wajiyadooda Waxaa ka Muuqatay Diif saaid ah , markii uu Wajiyadooda arkay waxa uu aqoonsaday Waaba Waalidiintii Faadumo,
C/raxmaan Waxaa uu ku fikiray in uu aargudasho sameeyo Waxii ey ku Sameeyeen lkn Qalbigiisa daacada ah ayaa Diiday in uu Sameeyo Ficilkaas.
C/raxmaan waa uu soo Kaxeeyay walidiindii Faadumo  wax yar yar kadib waxa ay ka codsadeen in uu ku dejiyo meel qubuuro ah oo halkaasi ka dhaweyd C/raxmaan aad iyo aad ayuu u yabay markii uu arkay Walidiinda Faadumo oo sii galayo Qubuuraha Dadka lagu duugo oo ey ka buuxaan dad aad u fara badan , C/raxmana isigoo wali yaaban ayuu weydiiyay walidiinda Faadumo qofka geeriyooday oo halkaas kaag duugan Waalidiinda Faadumana waxa ey uugu jawaabeen sidaan:
{C/raxmaan agana waxaan noqonay Qoys faqiir ah lacagteena oo dhan waxa ey ku dhamaatay Faadumo daaweynteedii, Faadumo Waxaa ku dhacay Kansar lkn Nasiib xumo Faadumo waa ey u geeriyootay Kansarkaas Waxaa eyna inoogu kaadhiibtay Warqad Waxaa ey tiri hadii aad aragtaan C/raxmaan Waxaad iiga gaarsiisaan Warqadaaan}.
Waalidika Faadumo Waxaa ey ku Wareejiyeen Warqadii C/raxmaan waxa uu bilaabay in uu aqriyo waxa ku qoran Warqada Waxaana ka mid ahaa hadalada ku qoran sidaan:
{C/raxmaan hadii aad aqriso warqadaan Waxaan kaa codsanayaa in aad iska key Cafisid beentii aan kuu sheegay , aniga waxaa iigu dhacay Kansar oo suurta gali weysay in la iga Daaweeyo ilaa ey walidiinteyda meelwalbo i geeyeen waxaan kaa rajeynayaa in aaad iska key cafisid Bye C/raxmaan}
Markii uu aqriyay warada C/raxmaan waxaa ka soo daadatay ilin waxa uuna iloobay waxii xumaata uu u qabay oo dhan waxaa uuna dareemay xanuuka hayay Faadumo iyo kalinimadii ey noqotay inta uu xanuunka hayay oo ey u baahneed qof wehliyo lana qeybsado xanuunka.
aqristayaal Waxaad meeshaan ka ogaan kartaa in lacata la heli karo lkn anan la heli karin Jaceyl dhab ah ama ruux daacad ah oo kula wadaago Nolal walba oo kusoo wajahdo.


W/Q Ibraahim Nuur Ibraahim

shumis.net@hotmail.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qorshihii Jaceylkeena Lacagtaa Qasaarisay (Dhacdo Dhab Ah Oo Ku Dhacday Lamaane Soomaaliyeed Qiso Xanuun Badan)
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-10T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qorshihii Jaceylkeena Lacagtaa Qasaarisay (Dhacdo Dhab Ah Oo Ku Dhacday Lamaane Soomaaliyeed Qiso Xanuun Badan)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments