Itoobiya oo ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qeyb ka yihiin rabshadaha dalkeeda ka socda

Itoobiya oo ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qeyb ka yihiin rabshadaha dalkeeda ka socda


ADVERTISEMENTS
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay dowladaha Masar iyo Eritrea inay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda Gobolada ay degaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah qowmiyadaha ugu badan dalka Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in dad shisheeye ay hubeynayaan kooxaha rabshadaha wata, isla markaana lacag siinayaan.

“Masar iyo Eritrea qeyb ayay ka yihiin rabshadaha, waxay dhaqaale iyo hub ku taageerayaan kooxaha qaswadayaasha”ayuu yiri Getachew Reda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa difaacay go’aanka dowladiisa ku soo rogtay xaalad deg deg ah, isagoo ku eedeeyay in kooxo dambiilayaal ah ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Dadka dibad baxayaasha ayaa gubay warshado ku yaala gobolada ay rabshadaha ka socdeen, waxaana warshad ka mid ah kuwa la gubay waxay sameyn jirtay shamiintada, kaasoo uu leeyahay maalqabeen u dhashay dalka Nigeria.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii isu soo bax diimeed oo ka dhacayay Gobolka Oromada degto uu isu bedelay mid rabshado wata oo looga soo horjeedo dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas cirka ugu riday kumanaanka ruux ee isu soo baxay dibad baxa diimeed, waxaana is buurasho ka dhalatay ay sababtay in ku dhowaad 50 ruux ay dhintaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa banaan baxyo ay sameynayaan qowmiyadaha ka soo jeeda Oromada iyo Amxaarada waxay dibad baxyo ay uga soo horjeedaan dowladda.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Itoobiya oo ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qeyb ka yihiin rabshadaha dalkeeda ka socda
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-11T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Itoobiya oo ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qeyb ka yihiin rabshadaha dalkeeda ka socda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:30 PM and have 0 comments