Ila Tali: Naagta la ila qabo waa mid xun

Ila Tali: Naagta la ila qabo waa mid xun


ADVERTISEMENTS
Hadalka waan soo koobayaa InshaAlah, Magaceyga waa Ayaan, ma doonayo in aan xuso meesha aan ku noolahay sababa jiro darteed,  

mar dhow ayaan guursaday nin wanaagsan maashaAllah, nolosheena waa mid Allah nagu harqiyay barwaaqa, ninkeyga waa nin xaas leh aniga horteey (naag kale qaba) , 


wuxuuna leeyahay caruur, aniga oo og ayaan sidaa ku guursaday, ninka aad buu ii wanaajiyaa kama eed sheegan karo, 

waxaa dhacday naagta la ila qabo in ay codsatay furiin ama anigan Ayaan ah la ifuro, ninkane wuxuu doonayaa labadeena in uu nawada qabo anigane dhib uma arko, 

sheekadooda ayaa daba dheeraatay garta waxaa galay labada dhinac ee reeka (reerka naagta la ila qabo iyo ninkeyga reerkiisa),

 wax miro dhal ah way ka soo bixi waayeen, ninkeyga wuxuu ubalan qaaday in uu wax kasta u iibin doono, intaba waydiiday, 

mudo kadib ilmaha ay dhashay ayee iska soo burisay, arintii ninkeyga ayee saameesay wuxuu bilaabay har iyo habeen in uu ka fikiro arinteeda, 

anigane saameen ayee igu yeelatay, dadka qaar ayaa ninkeyga kula taliyeen aniga (Ayaan ah) in la ifuro maadaama aan waxba dhalin wali, iyada oo la eegaya maslaxada reerka dhisan ee leh caruurta.

Cabsi ayaa iqabatay, fitnada naagta waxay noqotay mid isaameeso, hadii aad tihiin dad walaal ah oo jecel dadka in ay fikir ku biiriyaan igu biiriya waana idiin mahadnaqay dhamaan.



W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ila Tali: Naagta la ila qabo waa mid xun
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-13T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ila Tali: Naagta la ila qabo waa mid xun



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments