cudurka jabtada waxaa u badan gabdhaha kastuunta iska dhaqin oo ku urto

cudurka jabtada waxaa u badan gabdhaha kastuunta iska dhaqin oo ku urto


ADVERTISEMENTS
Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waa lagu kala qaadaa galmada (isutaga), waxayna ku dhacdaa xubnaha hoose iyo luqunta.

Calaamadaha iyo astaamaha.

Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho, kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan ay astaamo ka muuqdaan



Dumarka: Astaamaha jabtidu waxa kamida:
Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto.
Xanuun marka la kaajayo.
Cuncun ama wax ka yimaada dabada.
Raga: Astaamaha waxa kamida:
Dheecaan huruudi ama cadaana oo raga ka yimaada.
Cuncun ama wax ka yimaada dabada
Barar ku dhaca midhicirka, iyo kaadi mareenka.
Sidee Jabtida loo kala qaadaa
Galmo (isutag)
Taabasho xubnaha qaba jabtida (sida cawrada).
Tijaabada (baarista) jabtida
Baarisbaa dhakhtar ama kalkaaliye ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
Dumarka waxa laga qaadaa baaris.
Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.
Baarista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa laga yaabaa inaad diiqad yar dareento.
Waa inaad la xidhiirtaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday.
Daweenta 
Baarista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope’ hadii uu jiro infekshanka jabtida. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.
Hadii aad xasaasiyad leedahay diid kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegt. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).
Hadii laguu sheegay inaad jabti qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kuusiiyo wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baaro inay xanuunka qabaan.
Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.
Dabagal 
Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baaris ah ama dhakhtarkaaga.
Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baaris dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba’ay. Hadii aaney baabi’in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.
Dumarka
Hadii aan la daweyn jabtidu waxay isu bedeli kartaa xanuunka ‘pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.
Hadii aad jabti leedahay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la’aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo
Raga 
Jabtidu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka oo barara ayaa ka dhalan kara.
Marka jabtida lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: cudurka jabtada waxaa u badan gabdhaha kastuunta iska dhaqin oo ku urto
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-17T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
cudurka jabtada waxaa u badan gabdhaha kastuunta iska dhaqin oo ku urto



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments