Chris Brown oo xabsiga la dhigay markale

Chris Brown oo xabsiga la dhigay markale


ADVERTISEMENTS
Heesaaga Mareykanka u dhashay ee Chris Brown ayaa lagu xeray markale magaalada California ee dalkaasi kadib markii ay booliiska LAPD ku eedeeyeen inuu qori ku handaday haweeney la kaftameysay saaxiibkiis oo xernaa mujaawharaad isagoo ka carooday bistooladna kula booday gabadhaasi.

Muddo ay is hortaagnaayeen booliska kadib ayuu Chris Brown kasoo baxay aqalkiisa ayadoo isla markiina lagu tuuray xabsiga. 



Booliiska ayaa sheegay in ay taleefoon qeylo dhaan ah ka heleen haweeneydan oo lagu magacaabo Baylee Curran ayna sheegtay in ay qatar gali laheyd hadii aysan kasoo gaarin lagana yaabay inuu toogto Chris Brown.


Waxey sheegtay in ay xaflad u tagtay aqalkiisa.


Fanaanka Chris Brown ayaa waxuu dhibaato horey sanadkii 2009 ugu geystay fanaanada Rihanna oo ay xeriir jaceyl lahaayeen asigoo si xun garaacay mar ay isku dhaceen deetana la hor geeyay caddaalada waxaana uu soo maray xabsi iyo ciqaabo kala duwan oo uu ku muteystay arintaasi. 


Brown ayaa haatan waxaa lagu wadaa in lagu sii deeyo damaan iyadoo la baxinaayo lacag damaanad ah oo  ilaa 250 dollarka Mareykanka ah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Chris Brown oo xabsiga la dhigay markale
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-21T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Chris Brown oo xabsiga la dhigay markale



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments